Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis oo hadiyado gudoonsiisey dhakhaatiirtii Turkish ka ahayd

Bosaso Intii xafladaasi ay socotay Shirkada Isgaarsiinta Golis waxay hadiyado qiime leh gudoonsiisey dhakhaatiirta, Rugta Ganacsiga ayaa sidoo kae  gudoonsiisey hadiyado qiime badan oo ka koobnaa Xabagta qaaliga ah ee maydiga,macawiso iyo alaabo dhaqanka ah oo qiime badan.

Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis oo halkaas kalmad kooban ka jeediyey ayaa u mahad celiyey dhakhaatiirtaas iyo hayadaha aay kasocdaanba isagoo bogaadiyey dowrka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed aay u hayaan taasoo uu xusey inay taariikhda xusi doonto.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadan ayaa kusoo gabagabowday jawi farxad iyo rayn rayni ay ku dheehan tahay, iyadoo  wafdiga dhakhaatiirta  turkida ah aay si weyn uga mahad-naqeen uga maqsuudeen sida sharafta iyo maamuuska leh ee loo soo dhaweeyay.

Horseed Media
Xigasho : Xafiiska warfaafinta ee Golis Telcom.