Advertisement

Waraysi

Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Boosaaso oo beeniyay in uu burburay shirkii PL & Sh. Maxmed siciid (Atam)

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Xildhibaan Mukhtaar Xabeeb

Xildhibaan Xabeeb

BOOSAASO, Puntland — Xildhibaan Mukhtaar Xabeeb oo ka tirsan golaha deegaanka Boosaaso ayaa shir jaraa id oo uu ku qabtay gudaha xarunta dowlada hoose, waxaa uu ku beeniyay in uu burburay shirkii deegaanka galgala uga socday dowlada Puntland iyo sheikh Maxmad Siciid Ata moo la sheego in uu ka tirsan yahay Xarkada Mujaahidiinta Al shabab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaanku waxaa uu ku beeniyay qoraal uu sheegay in uu wargayska kaah bari qoray oo ahaa in uu burburay shirkii galgala uga socday Puntland iyo dadka deegaanka galgala ee gobolka bari.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Xildhibaanku waxaa uu qoraalka wargeyska Kaah bari ku dhaleeceeyay in ay qoreen dad dana gaar ah ka leh isku dhaca dadka deegaanka galgala iyo dowlada Puntland,iyadoona sida uu sheegay Xabeeb haatan ay jiraan xal ay wada gaareen Puntland iyo sheikh Maxamed Siciid Atam.

Waxaana uu sheegay in ay jiraan qorshayaal ay dhaliyarada deegaanka ee Sheekha lasocda ay hubka usoo wareejinayaan,iyadoona uu Sheekhu diyaar uyahay in xal laga gaaro khilaafka dhinaca fikirka ee laga aaminsanyahay Sheekh Maxamed Siciid Atam.

Xildhibaan Mukhtaar Xabeeb oo ah Xildhibaan kasoo jeeda deegaanka Galgala ayaa sheegay in ay isaga iyo xoog hayaha golaha deegaanka Boosaaso Cabdirzaq geeldoon ay ka shaqaynayeen wadahadalada deegaankaasi uga socda Puntland iyo dadka deegaankaasi.

Shirka jaraa id ee Xildhibaan Mukhtaar Xabeeb ayaa imaanaya xili uu dhowaan wargayska asbuuc laha ah ee Kaah bari uu qoray qoraal uu cinwaan uga dhigay burbur ku yimid shirkii galgala uga socday dowlada Puntalnd iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdi raxmaan Faroole.