Advertisement

Puntland

Tababar lagu baranayo habka uu qofka Ganacsi u Abuuri karo oo lagu soo Gababageeyey Magaalada Bosaaso.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Jamciyada Tadaamun

Tababar lagu baranayo sida uu qofka uu abuuri karo in uu ganacsi bilaabo ama uu ganacsado noqdo ayaa lagu soo gabaga gabeyey howlka hayada Tadamun ee ka shaqeesa arimaha bulshada iyo hormarintooda.Iyadoo ayna  tabarkaasi  fulisay Tadamun Social Society TASS.

Waxaana tababarkaasi loo furay 160arday  oo isugu jira wilaal iyo gabdho kuwaaso mudo 10maalin baranayey habka loo abuuri karo ganacsiga oo ay umadaha caalamka ay ku hormareen.

Tababarkan ay soo qaban qabisay hayada Tadamun ayaa waxaa maalgalintiisa dowlada japan waxayna hayadaasi u soo marsiiyey hayada shaqaalaha aduunka ee ILO waxayna hayadaasi u soo marsiiyey UNCEF.

Cabdu Allaahi Shiikh Madax Tadaamun

Soo gabagabeenta tababarka ayaa waxa ka soo qayb galay masuliyiin aad u fara badan oo ka socday shirkada isgaarsiinta golis, ganacsato,culumaudiin , isimo iyo maamulka puntland.

Tababarkan aya waxaa bixinayey Profsoro kala socday jaamacadaha muqdisho iyo esat Africa ,iyagoo ugud biyey macluumaadkii ay u soo diyaariyeen ardaydaasi.

kasoo qayb galayaashii tababarka usoo dhamaaday

Hadabada ardaydaasi  tababarka ka faidaysatay waxa ay dhamaantooda qireen in ay ka kororsadeen sida ay u bilaabi lahayen ganacsi, oo ay in badan u taamayeen.

Ugu horayn waxaa xaflada soo gabagabaynta tababarka furay madax guud ee hayada Tadamun C/laahi sheikh oo ku nuuxnuuxsaday muhiimada uu lahaa tababarkan loo qabtay 160qof.

Waxaana sidoo kale halkaasi ka hadalay masuliyiintii halkaasi ka soo qayb gashay ,waxaana dhamaan ardaydii loo qabtay tabarakaasi lagu doonsiiyey shaqaadoyin ka tar jumaya  waxa ay barteen.

Dhica kale waxaa tababar noocan oo kale laga hirgaliyey magaalada gerowe ee caasimada puntland iyadoo tababarkaasi loo qabtay arday la mid ah tirada ardaydii loo qabtay tababarkaasi ee magaaladatan bosaaso, waxaana guud Ahaaan Tirada ardayda tabarkan wax baratay ay garayaan 320qof oo kala jooga degaanada puntland.

Sheikh C/Rizaaq xuseen ciise

Ugu danbayntii hay’ada Tadamun Social Society waxaa la’aasasay sanadii 1992 ,waxaa uu istaagay aqoon yahano somaliyeed oo bulshadooda u qabtay in ay wax ka qabtaan waxbarashada , caafimaadka, xaquuqda aadanaha iyo waxyalo kale oo aad u fara badan.

Midig C/laahi madaxa wax barashada,bidix C/raxmaan ku xigeenka madaxa Tadaamun

C/qaadir Saciid Cali(Gaanni)
Sarmaanyo.com