Advertisement

Puntland

Diyaarad kusoo dhacday Boosaaso kadib markii ay ka kicitintay garoonka Boosaaso.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Diyaaradii dhacday

Mid kamid ah diyaaradaha shirkada African Express ee Soomaaliya ayaa maanta waxyeelo ka soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ka dib markii diyaarada oo Xawaare sare ku soconeysa ay ka baxday Dhabaha Diyaraadaha ku caraaraan ee Runway-ga Garoonka Boosaaso

Diyaaradan oo ahayd mid Todobaadkan Ka shaqo biloowday Deegaanada Puntland ayaa waxaa saarnaa rakaab farabadan  kuwaasi oo qaarkood ahaa kuwo transit ahaa inakasta oo aysanjirin waxyeelo soo gaartay rakaabka hadana waxaa uu burbur xoogan Gaaray guud ahaan Diyaarada African Express

Sida ay masuuliyiinta shirkada u xaqiijiyeen warbaahinta ma jirto cid ku waxyeelowday dhicitaanka diyaarada,iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in uu dhaawac soo gaaray qaar ka tirsan rakaabkii saarnaa diyaarada.

Diyaarada African Express ee Maanta ka baxday Dhabaha Diyaaradaha ee Garoonka Boosaaso ayaan ahayn markii ugu horeysay oo ay diyaarad wax ku noqoto Garoonka Banderqaasim Air port,waxaana ay hayad Dhawaan markii diyaarada Daalo Ay ku dhacday gudaha garoonka ka dib markii ay jabtay Lugta hore ee Diyaaradaasi