Advertisement

Puntland

Dowladda Puntland waxaa dhistay Koox Maafiyo ah oo Dibadda ka timi.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Faroole

Faroole

Waxaa aad loo hadal hayaa tan iyo markii Xukuumada Puntland loo doortay C/raxmaan Faroole sida loo maareynkaro daruufaha adag ee ka jira gudaha Puntland. Dhinacyada amaanka iyo Siyaasadda.

Dad badan waxa ay rumaysan yihiin Dowlada iminka talada haysaa in ay tahay mid aad uga liidata Xukuumadihii soo maray Puntland. Sababtu maxay tahay oo loo aanaynayaa karti darada dhanka amaanka iyo Siyaasadda ku qotonta.?

Shaki kuma jiro in Kooxda Hogaanka u haysaa Dowlada Puntland ay yihiin Rag dibadda iska soo bahaystay oo ujeedooyinka ugu weyn oo ay hiigsanayaan ay tahay sidii loo abuuri lahaa Dhaqaale  Siyaasadda Puntland laga tabco.

Sahacabka Puntland waxa ay la daalaa dhacayaan Shaqo la’aan Abaaro iyo xaaluf badda oo laga waayey Kalluunkii tirade badnaa sanadihii la soo dhaafay.

Waxaa kaloo aad uga cabanayaan Ganacsatada Puntland canshuuro xad-dhaaf ah oo lagu buurbuuray maceeshada soo tegta iyo tan dhoofta. Qaar badan oo ka mid ah Ganacsatada caanka ah waxa ay baacmushtarkooda ula wareegeen Dekeda Berbera oo aad uga qiimo jaban canshuuraha laga qaado alaabooyinka.

Colaadaha Beelaha dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada soo wajahay dadka ku dhaqan deegaanka Puntland welwel weyni kuma hayo Madaxda sare ee hogaanka iminka u haysa Dalka, balse waxa ay cabsi ka muujiyaan marka dhibaato yar la soo daristo Ilaha Dhaqaalaha oo kaliya dadka dhimanaya iyo waxyeelooyinka Beelaha dhexdooda dareen badan kama qabaan, taasi waxa ay ku tusinaysaa hadafka guud ee Kooxda Xukunka gacanta ugu jiro uu yahay.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole waa Nin dareen cabsi ay ku jirto ka qaba in Talada farihiisa ka baxdo, waxa uuna taasi isagoo maanka ku hayaa sameeyey sidii uu ka badin waayey oo wuxuu isbedel gaaban ku sameeyey koox ka mid ah Dowladiisa, balse dadka reer Puntland aanay u arag inuu wax weyn soo kordhiyey.

C/laahi Saciid Samatar iyo Bashiir Cali Biixi oo uu ka qaaday Wasaardo ay aqoon iyo waayo-aragnimo u lahaayeen waxa uu ku bedelay rag aan si fiican ishooda uga bogankarin Shacabka reer Puntland Beelaha ay ka dhasheena wax weyn ku soo kordhinkarin. Waa maahmaahdii aheyd ka door baa waxay dhashaa ka dar.

Isku dheelitirka habka awood qeybsiga Xukuumada ayaa ah mid aan isku miisaaneyn oo Beelaha qaar waa loo sadburiyey iyadoo ujeedooyin hoose laga leeyahay halka beelaha qaarna la siiyey Wasiir ku xigeen labaad. Tani waxa ay dhalinkartaa in Beelaha awooda Siyaasadeed laga wiiqay u gacan dhiibtaan Kooxaha Islaamiyiinta oo ay martigelin fiican u fidiyaan.

Dad badan oo ku dhaqan Boosaaso waxa ay aaminsan yihiin in xaalku ka sii darayo oo amaanku faraha ka baxayo, lana filankaro iska horimaadyo hubeysan dilal iyo qaraxyo loo caalwaayo wax ka qabashadooda. adigoo harsan waayey ma laguu soo hargalay shacabka puntland oo la wareersanaa Qurba joogtii hore ayaa hadda kuwo kale dibada looga yeeray oo xilal cusub loo magaacaabay.

sarmaanyo.com