Puntland
Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo si aad ah loogu soo dhoweeyay Boosaaso(Sawiro)
Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo kamid ah culimada Soomaaliya ahaana mid kamid ah aasaasayaashii Jaamacaada Bariga Afrika ayaa maanta barqadii kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Bandar Qasim Airport.
Waxaana Dr-ka si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha boosaaso dad fara badan oo ay hor kacayeen culima udiin,aqoonyahano,ganacsato iyo wax garad kale oo aad u tira badan,kuwaas oo ay kamid ahaayeen Sheekh Axmad daahi,Dr Yuusuf Cabdi casiis iyo dad kale oo aan ah.
Dr Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee aadka loo ixtiraamo ayaa kamid ahaa asaasayaashii jaamacada bariga Afrika oo ay ka faaiideysteen ilaa 3,000 oo qof,waxuuna Dr Axmed tobon sano ku dhowaad ahaa gudoomiye ku xigeenka jaamacada,hadana waxuu xubin ka yahay golaha aasaasayaasha iyo la taliyaha gudoonka jaamacada isagoona weli kamid ah macalimiinta jaamacada bariga Afrika ee dhiga Kulliyada Shareecada.
Waxaa xusid mudan in uu Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan mudo afar bilood ku dhow in uu dalka Sacuudiga ugu maqnaa xaalado caafimaad,iyadoo halkaas qaliin dhinaca madaxa loogu soo sameeyay.
Si kasta oo ay ahaataba waxaa la rajaynayaa hadii uu Rabi idmo in uu Dr-ku dib u bilaabi doono howlihiisii dacwo iyo tacliimeed.
Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo warbaahinta u waramaya.
Xuseenxasan19@gmail.com






