Sarmaanyo.com » Muqdisho

Qarax Ismidaamin ay ku dhinteen Arday badan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Qarax nooca ismidaaminta ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe ee KM-4 magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 50-qof oo u badan dad rayid ah.

Sida ay sheegaayan wararka laga helaayo Muqdisho,qaraxa ayaa waxaa geystay qof is soo midaamiyey oo watay gaari nooca Soomaalida u taqaano UD oo laga soo buuxiyey walxaha qaraxa lana beegsaday xarun ay degan yihin 8-Wasaaradood oo ka tirsan Dowladda ayna kamid tahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Dadka ku dhintey weerarka ismidaaminta ayaa u badnaa arday saaka u tegtay Wasaaradda si ay u ogaadaan natiijada imtixaan dhowaan ay galeen oo lagu tartamayay deeqda Waxbarasho ee Turkiga,waxaana sidoo kale ku jira Askar ka tirsan Dowladda oo ku sugnayd goobta iyo dad rayid ah oo kale.

Qaraxa ayaa sidoo kale dhaliyey dhaawac fara badan oo tiradoodu kor u dhaafayso 100-qof oo ay ku jiraan masuuliyin ka tirsan Wasaaradaha Dowladda oo ay ku jiraan Wasiir kuxigeeno.

Masuuliyinta Dowladda ayaa weli ka hadlin dhacdadaan iyagoo sheegay in ay socdaan baaritaano la xirrira sida uu falkaan u dhacay,waxaana ay sheegeen in gadaal faahfaahin ka bixin doonaan.

Wixii kusoo kordha qaraxaan lasoco Insha’allah

Muqdisho iyo Gobolada dalka oo si heer sara ah looga Ciiday (DAAWO)
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ay Salaada ku oogeen meelo kala duwan sida Masaajidada iyo goobo fagaare ah.

Sida caadada u aheyd sanadihii dambe dadka reer Muqdisho ayaa saaka Salaada Ciida ku dukaday Masaajidada, ma jirin goobo fagaare la isugu yimid ama barxad weyn oo lagu dukaday, hase ahaatee Masaajid Isbaheysiga Islaamka oo berri samaadkii caan ku ahaa dukashada Salaada Ciida, dadkana ay isugu imaan jireen ayaa boqolaal qof ay maanta ku dukadeen.

Aniga oo aan ka mid ahaa dadkii saaka halkaas Salaada Ciida ku dukaday ayaa Masaajidka Isbaheysiga waxaa ka muuqday bilicsami iyo dayactir lagu sameeyay qeybihii uu ka koobnaa, inkastoo horay Sacuudiga ay u dhistay, hadana qeybaha dambe ayaa ahaa mid waxooga bur bur ka muuqday.

Masaajida ayaa mar qura waxaa isugu yimid dadweyne fara badan oo Muslimiin ah, oo isugu jiray Mas’uuliyiin, dad shacab ah iyo Muslimiin ka mid kuwa dalalka Carabta ee ka mid ahaa Wafuudii maalmahan ku soo qul qulayay Caasimada ee u soo gurmanayay dadka soomaaliyed ee abaaraha ku dhifteen.

Durbadiiba waxay indhaheyga qabanayeen Muslimiin u dhashay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar Turkiga iyo Malaysian Salaada Ciida ku dukanayay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

Mid ka mid ah Wafuuda Malaysian-ka ahaa oo ahaa Sheyk ayaa Takbiirta ka qaadayay, iyadoo xubnaha Malaysian-ka ay maanta ahaayeen kuwo ka badnaa muslimiintii ka socotay dalalka kale, waxay isugu jiraan Ragg iyo haween, qaarkood ayaa ahaa suxufiyiin.

Intaas kadib ayaa markii Takbiirta ay dhamaatay waxaa loo kacay salaadii Ciida, waxaana boqolaalka qof ee Masaajidada isugu yimid oo ragg iyo haween ka mid ahaa ay dukadeen Salaadii Ciid oo uu ka bixiyay mid ka mid ah Qadiibyada Masaajidka.

Salaada kadib ayaa sida caadada aheyd Khudbadii Ciida ayaa waxaa jeediyay Qadiibka masaajidka, isagoo si weyn ugu dheeraaday maalintan qiimaha ay leedahay oo ah maalin ku weyn Islaamka oo ah Ciidul Fidriga.

Banaanka hore ee Masaajidka ayaa waxaa dhoobnaa dad dan yar ah oo u badnaa haween caruur agooman ah sitay, kuwaasoo dadka soo dukaday Salaada ay ku sadaqeysanayeen lacago.

Marka loo eego jawiga ciida ayaa ahaa mid aad u xamaasad badnaa, dadka ayaa isugu hambalyeynayay munaasabada Ciida, caruur yar yar ayaa ku ciyaarayay Bastooladaha kale iyo alaabaha kale.

Wadooyinka magaalada ayaa ahaa mid furnaa, is bedelka maanta magaalada ay dareemeyso ayaa ah iyadoo labo sano kadib dadka ay isugu kala gooshayaan Koofurta iyo Waqooyiga Muqdisho.

Dad fara badan oo ku laabtay deegaanada Waqooyiga Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa Ciida, halka kuwa kalena ay u ciid tagayeen oo ay soo eegayeen xaafadahooda ay martiyeen dagaalada ka dhacayay mudada labada sano magaalada Muqdisho.

Shacabka reer Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya is bedelka ka jira Muqdisho iyo in Ciidan ay aad uga duwan tahay ciidihii kale.

Dhinaca kale Gobolada ay maamulaan Al-Shabaab ayaa si weyn looga ciiday, gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyn, Marka, Afgooye, Buurhakaba, Xudur, Bu’aale iyo deegaano kale oo dadka ay fagaare ku dukadeen markii xalay loo sheegay inay isugu yimaadaan.

Daawo Sawirada Masaajidka Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal muslimiin ah Salaada Ciida ku dukadeen

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo soo dhaweyntiisa uu ka qayb galay madaxweynaha Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdihso ayaa waxaa soo gaartay diyaarad siday madaxweynaha Jahuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle markii u ka soo dagay diyaaradda ayaa waxaa si ddiiran garoonka ug soo dhaweeyay madax uu hoggaaminayay madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Waxaana la filaayaa in ay soo gaaraan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyadoo la filayo in imaatinka madaxweynaha Jabuuti waxa uu ku saabsan yahay ay si wada jir ah uga hadlaan labada madaxweyne.

Sidoo kale soo djaweynta madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dadweyne oo u fara badan oo buux dhaafiyay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo ay kor u sidaan sawirrda mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Xukuumada Cusub ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay iyo Wasiirada oo wada noqday Rag Cusub
Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gelinkii dambe ee maanta si kama dambeys ah ku dhawaaqay Xukuumada cusub oo waayadan dambe laga war sugaayay.

Xukuumadda cusub ayaa ka kooban 18 wasiir taas oo ka dhigaysa in ay la mid tahay Xukuumadii ka horeysay ee Farmaajo,balse dhamaan xubnaha ku jira waa wejiyo cusub oo aan hore looga baran Siyaasada Soomaaliya.

Soo dhisidda Xukuumada ayaa khilaaf xoogan ka taagnaa oo u dhaxeeyey Saddexda masuul ee ugu sareeya dowladda sida Madaxweynaha,Raysalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hoos ka akhriso Wasiirada cusub

1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta

2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda

3- Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

4- Mudane  Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.

7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska,

8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha

9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

10- Mudane Cabdulqaadir Xuseen  Maxamed  Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta

11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga

12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda

13- Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Circa, Dhulka, Badda & Dekadaha

14- Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta

15- Mudane Jaylaani Nuur Iikar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska

16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka

17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.

18- Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga

Ra’isul wasaare C/weli Gaas oo bilabay la tashiyo ku aadan dhismaha Xukuumadda, lana kulmay…
Gaas

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa shalay kulan magaalada Muqdisho waxa uu kula qaatay xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo ka soo jeeda beelaha Hawiye.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka ka qeybgalay Ra’isul wasaaraha Xukuumada KMG C/weli Max’ed Cali {Gaas} ayaa xubnahan kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo qorshaha uu doonayo inuu Xukuumad cusub ku soo dhiso.

Xidlhibaanadii uu kulanka la qaatay Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa ay ugu baaqeen inuu soo magacaabo Wasiiro tayo leh oo tiro ahaan kooban, isla markaasna wax ka qabta dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horeeyay ee tan iyo markii la ansixiyey Ra’isul wasaaraha cusub uu Muqdisho kula qaato xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya, iyadoo la sheegay in Ra’isul wasaaruhu uu sii wadi doono kulamada gooni-goonida ah ee uu la qaadanayo xildhibaanada Barlamanka, kaas oo salka ku haya dhismaha Xukuumadda uu soo magacaabayo.

Maxamed C/laahi Oomaar Shirkii Midowga Afrika ee Gini ka dhacay waxaa la isku afgartay in
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna Ra’isul wasaare ku xigeen Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira, waxaana uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dowladdiisa uu hoos u dhac weyn ku yimid bilooyinkii ugu dambeeyay siyaasad ahaan iyo Mileteri ahaan sida uu yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey in markii Xarakada Al-shabaab lagala wareegay deegaano badan dagaaladii ay la galeen Xukuumadda iyo AMISOM ay haatan bilaabeen sida uu yiri in xitta Odoyaashii ay tababaro u furan, isla markaana ay ku qasbaan in ay dagaalamaan waa siduu hadalka u yiriye.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in haatan xukuumaddu ay qorsheneyso sidii gebi ahaanba looga saari lahaa Xarakada Al-shabaab magaalada Muqdisho, waxaana madaxdii ka qeybgashay shirkii Midowga Afrika uu ka codsaday inay xukuumadda KMG Soomaaliya taageeraan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo boqolkiiba wax ka yar hal 5- ay dowladdu ku si katay gobo ay horay ugu talin jireen Xarakada Al-shabaa, tiiyoo ay Al-shabaab gacanta ku heyso inta badan gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliy

Raiisulwasaare Dr.C/weli oo Sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wareegayaan Muqdisho dhowaan
Dr.C/weli Maxamed Cali

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka go’aan tahay in ay la wareegaan gebi ahaan magaalada Muqdisho oo ay ka taliyaan inyar oo kooban.

Dr.C/weli Maxamed Cali oo shalay ka hadlaayay Xaruntii Wasaaradda Gaashandhigga ee degmada Hodan oo uu shalay markiisa kowaad booqday ayaa sheegay in la wado qorshe lagu qabsanaayo magaalada Muqdisho oo ay maleeshiyada Shabaab haystaan intiisa badan.

Wuxuu ku booriyey Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay howsha halkaas kasii wadaan isla markaana ay la wareegaan degmooyinka kale ee magaalada.

Ra’iisulwasaare Dr.Cabdiweli ayaa dhowaan mudaneyaasha Baarlamaanka u sheegay in qorsheyaashi ay ku jirto sidii loo soo celin lahaa amniga iyo kala dambeyntii lagu yaqiinay Soomaaliya isla markaana lala dagaalami doono kooxaha argagixiisada ee gabaadka ka dhiganaaya dhulka Soomaaliyeed.

Ciidamada Uganda ee AMISOM oo Cabasho Ka muujiyey Mushahar Dhimis lagu sameeyey
Ciidamada AMISOM

Ciidamada Uganda ee kamid ah Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka muujiyey mushahar dhimis dhowaan lagu sameeyey.

Wargeyska The Daily Monitor ee kasoo baxda magaalada Kampala ayaa soo daabacay warbixin uu kasoo xigtay mid kamid ah Askarta Uganda ee ka joogtay Soomaaliya isagoo sheegaaya in lacagtii mushahar ahaan u qaadan jireen $750 laga jaray lacag gaaraysa $200 iyadoo aan wax sabab ah la sheegin.

Maj.Kamara oo dhowaan dib uga soo noqday Muqdisho kana mid ahaa Askartii gaaraysay 700-askari ee Jimcihi dib loogu celiyey dalkoodi ayaa sheegay in mushahar dhimista lagu sameeyey ay si xun uga cabanayaan Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho gaar ahaan kuwa kasocda dalka Uganda.

Sarkaalkan wuxuu sidoo kale sheegay in bishii Janaayo Taliyaha Ciidamada dhulka ee Uganda Gen.Watumba Kamala mar usoo booqday magaalada Muqdisho uu u ballanqaaday askarta Ugandeeska in loo kordhin doono mushaharkooda iyadoo ballantaas ay noqotay mid aan la fulinin,ayna u muuqato mid lagu dhisaayay moraalka Ciidanka.

Taliyaasha Ciidamada Uganda ayaa iska fogeeyey arintaan iyagoo arinta dusha uga saarey Qaramada Midoobay oo bixisa mushaharka Ciidamada AMISOM.

Magaalada Muqdisho waxaa haatan ku sugan inka badan 11,000-askari oo kasocda wadamada Burundi iyo Uganda,iyadoo ciidamada ugu badan ay kasocdaan dalka Uganda.waxaana ay ilaaliyaan goobaha muhiimka ay Dowladda haysato sida garoonka diyaaradaha,madaxtooyada iyo Dekadda iyadoo sidoo kale ay ilaaliyaan saddexda masuul ee Dowladda.

Khudbaddii Ra iisulwasaaraha cusub uu ka jeediyay Baarlamaanka
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali

Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta hortagey golaha baarlamaanka si loo ansaxiyo. Golaha Baarlamaanka ayaa cod u qaaday ansixinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaana ansaxiyey 437 xildhibaan, halka ay 2 xildhibaan diideen, 4 xildhibaanna ay ka aamuseen. Baarlamaanka waxaa soo xaadiray 443 xildhibaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas ka jeediyey khudbad taabaneysa dhinacyo badan.

Khudbadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka jeediyey Golaha Baarlamaanka

Mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,

Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiye Ku xigeennada,

Mudanayaasha sharafta leh ee Baarlamaanka,

Ciidamada Amniga, Marti sharafta kale iyo

Bahda Saxaafadda,

Dhammaantiin A Salaamu Caleykum Waraxmatullah Wa barakat,

Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idinkala soo qeybgalo kulankan muhiimka ah oo aad ku gudaneysaan waajibaadkiina dastuuriga ah ee aad uga doodeysaan ansixinta iyo kalsooni siinta xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee uu Madaxweynahu ii soo magacaabay. Baarlamaaku waa hooyada hay’adaha dastuuriga ah, waa goobta matasha shacabka soomaaliyeed, isla markaana laga soo saaro dhammaan shuruucda dalka.

Waxaan hubaa oo aan aaminsanahay inaad wada akhrisateen taariikh nololeedkeyga. Waxaan qabaa inaanan aheyn shaqsi idinku cusub oo waxaan wada joognay 6dii bilood ee ugu danbeysay, sidaas daraadeed, waxaan si wanaagsan ula socdaa marxaladda dalka uu haatan marayo, caqabadihii taagnaa iyo anigoo fikir fiican ka heysta sida looga bixi karo marxaladdahan nagu soo noqnoqday. Waxaan in muddo ah ku howlanaa oo aan shaqooyin muhiim u ah shacabka soomaaliyeed ka hayey dalka gudihiisa. Sidoo kale waxaan si joogta ah ula socday dhammaan marxaladihii dalku soo maray ee dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa hubaal ah in mudada noo dhiman nalooga wada baahanyahay inaan si wadajir ah waddanka ugu wada adeegno, isla markaana aan labo jibaarno dadaaladeena ku wajahan sidii aan amniga u soo celin laheyn, isla markaana u dhameystiri laheyn howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla, sida dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo ka gudubka xilliga KMG ah.

Xildhibaanada sharafta leh, waxaan si xushmad leh idiin kaga codsanayaa inaad maanta i siisaan kalsoonidiina, si aan u guda-galo una dar-dargeliyo howlaha muhiimka ah ee na wada sugaya. Marka aad i siisaan kalsoonidiina buuxda, waxaan ku dhaqaaqi doonaa la tashiyo aan la sameeyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan mudanayaasha baarlamaanka sharafta leh si aan u soo xulo shaqsiyaadka ku habboon inay ka mid noqdaan golaha wasiirada si ay gacan buuxda nooga wada siiyaan u adeegida shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan la tashiyo ka dib idiin soo bandhigi doonaa barnaamijka Xukuumadda iyo xubnaha golaha wasiirada si aad uga doodaan, isla markaana aad uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.

Xildhibaanada sharafta leh,

Walow aan dhowaan idiin soo gudbin doono barnaamijka Xukuumadda oo faahfaahsan, haddana waxaan shaki ku jirin in arrimaha u baahan inaan diirada wada saarno ay ka mid noqon doonaan:

Soo celinta amniga oo ay ku jrito daboolida baahida ciidanka, soo celinta kala danbeyntii iyo sharaftii dalka;

La dagaalanka kooxaha argagaxisada ee diidan dowladnimada iyo burcad-badeeda,

Dhameystirka howlaha muhiimka ah ee uu axdiga FKMG ah na farayo oo ay ka mid yihiin, dhameystirka dastuurka qabyada ah, iyo ka gudubka xilliga KMG ah,

Dowlad wanaaga, dib-u-heshiisiin qaran oo taam ah, howlgelinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah,

Toosinta maamulka dhaqaalaha;

La dagaalanka musuq-maasuqa;

Gargaarka bani’aadanimo iyo adeega bulshada;

Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah,

Xoojinta xiriirka maamulada dalka ka jira; iyo

Xoojinta xiriirka bulshada caalamka;

Xildhibaanada sharafta leh,

Waxaa hubaalti ah in xaaladda dalku marayo inay tahay mid khatar ah oo u baahan inaan u wada istaagno. Shacabkii soomaaliyeed waxaa isagu darsoomay, dagaalo joogta ah, abaaro dabo dheeraaday, macluul, argagaxiso, burcad badeed, gaajo iyo iyadoo in badan oo ka mid ah laga hor-istaagay gar-gaarkii ban’aadanimo. Waxaa sidoo kale bur-buray dhammaan hay’adihii adeega ee qaranka isla markaana ummadda wax u qaban lahaa.

Waqtiga aan heysano aad buu u yar-yahay, mashquulka aan ku nahay soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah waxey keentay in dhammaan Xukuumadihii naga horreeyeyba aysan waqti u helin in ay xoojiyaan xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidaas daraadeed, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan xiriirkaas dib-ugu soo nooleyn lahaa oo aan u saari lahaa waxii mugdi iyo kala aragti duwanaan ah ee jira.

Xildhibaanada sharafta leh,

Ugu danbeyntii, waxaan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed oo iigu aaminay xilkan Qaran ee culus, anigana waxaan hortiina ka ballanqaadayaa inaan u gudan doono si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhammaan shuruucda u degsan dalka, dhowri doonana Axdiga FKMG ah. Waxaan kaloo aan hortiina ku ballanqaadayaa inaan xoojin doono xiriirka wada-shaqeynta dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xiriirka beesha caalamka. Sidoo kale idinkana waxaan idinka codsanayaa inaan mudada yar ee aan heysanno aan ka wada shaqeyno sidii aan si wadajir ah isaga wada kaashan laheyn dhan walba, innagoo eegeyna danta guud ee shacabka soomaaliyeed.

Waxaan mar kale ku celinayaa in aan xoojin doono xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumadda. Mahad ballaaran ayaan mar kale idiin soo jeedinayaa.

Mahadsanidiin

R/wasaaraha Soomaaliya oo la anisixyay
barlamaanka

Muqdisho Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa ay ku anisixyeen ra’isal wasaaraha cusub ee dowladda KMGS Cabdiwali Maxamed Cali.

Kalfadhigii baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaa 443-mudane oo katirsan baarlamaanka dowladda KMGS,waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana dhinaca kale goob joog ka ahaa madaxwaynaha iyo ra’isal wasaaraha cusub ee dowladda

437 mudane ayaa u codeeyay R/wasaaraha, 2 mudane ayaa diidday halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen.

Dhinaca kale madaxwaynaha dowladda KMGS Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ra’isal wasaaraha cusub ee dowladda KMGS,waxaana uu sheegay inuu dhowaan horgayn doono baarlamaanka heshiiskii uu magaalada Kambala uu kula saxiixday gudoomiyaha baarlamaanka.

ahmed

Sarmaanyo.com

Sarmaanyo@gmail.com