Advertisement

Muqdisho

Xarakada Al-shabaab oo sheegay dagaaladii maanta Muqdisho ka dhacay in ay ku gubeen hal Taangi.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

sheekh caliMuqdsiho Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho maanta oo Khamiis ah ayaa sheegay inay dagaalladii saakay dhacay ay ku gubeen mid ka mid ah taangiyada ciidamada AMISOM. Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay ku gubeen dagaaladii barqanimadii maanta ka dhacay Degmada C/casiis Hal taangi oo ay dagaalada uga qeyb qaadanayeen dagaaladii maanta, dibna uga saareen goobihii Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM dagaalada kula wareegeen. Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar dowladda KMG la maaganayd in ay kula wareegto fariisimo dhowr ah oo ay Muqdisho ku leeyihiin xoogaga hubaysan. Mujaahidiinta way fashiliyeen qorshaha dowladda iyo kuwa AMISOM ku doonayeen in ay kula wareegaan meelaha aan heysano, waxaan uga gubnay dagaalkii saakay hal Taangi ciidamo badana waan ka leynay, haddana mujaahidiinta waxay dib ugu laabteen Hotel Global” ayuu si kulul u yiri Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali dheere. Haddalkan ka soo yeeray Sheekh Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya xili maanta dagaalo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray dad shacab ah ku dhex mareen maalintii labaad Xaafado ka tirsan Waqooyiga Muqdisho Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanayeen Ciidamada AMISOM iyo xoogaga ka soo horjeeda.

SRnews

sarmaanyo@gmail.com