Muqdisho
Ururka Xizbul Islaam oo ka hadlay Sarkaal muhim u ahaa oo looga dilay Magaalada Muqdisho.09 Mar 2010
Muqdisho: Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa barqanimadii maanta lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dilalka sarkaalkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka ururka xizbul Islaam maamulka Gobolka Banaadir Sheekh Ibraahim Barre Cismaan.
Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ururka Xisbul Islaam ayaa lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana weerar ku qaaday Maleeshiyaad wejiga soo qarsaday, kuwaasoo baxsaday markii ay dilka geysteen ayuu yiri Sheekh Ibraahim Barre Cismaan oo xiliga shirka jaraa’id ku qabanayay Suuqa Bakaaraha ilaalo xoogan ka hayeen Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Ururka Xizbul Islaam.
Ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalka Xisbul Islaam, inkastoo maalmahanba ay jireen xurguf u dhexeysay Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo marar badan warbaahinta isu mariyey eedeymo.
Shirkan jaraa’id Ururka Xizbul Islaam sida deg deg ah maanta ugu qabteen Suuqa bakaaraha ayaa imaanaya xili isla maantay Masaajidka Abaahurayra meel aan ka fogayn lagu dilay Sarkaal muhim u ahaa ururkaasi, lamana ogaan karo go’aanka ururka ka qaadan doono dilka maantay ka dhacay Muqdisho.
SRnews
sarmaanyo@gmail.com

