Muqdisho
Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Looga Hadlay Daryeelka Shaqaalaha Dowladda

Somalia
MUQDISHO, Soomaaliya – Shir uu isugu yimid Golaha wasiirada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu shir-Guddoominayay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka dhacay xarunta Golaha wasiirada ee magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo todobaadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga dooday warbixin uu soo jeediyay Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
La taliyaha Ra isal wasaaraha Cabdi Xaaji Goobdoon oo shirkaas kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi Golaha wasiiradu kaga doodeen warbixin uu soo jeediyay Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kuna saabsanaa daryeelka shaqaalaha dowladda, waxaana uu sheegay in shaqaalaha dowladdu u baahan yihiin in loo helo daryeel dhaqaale, si iyagana ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Wuxuuna sheegay in dood iyo falanqeyn kadib, la isku afgartey in wax laga qabto daryeelka dhaqaale ee shaqaalaha, si loo tayeeyo howlaha Hay’addaha dowladda.
Warbixintan ayaa ka mid aheyd waxyaabihii ka soo baxay aqoon-isweydaarsigii lagu qabtey magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti oo ay ka qeybgaleen 7 Wasiir oo ka tirsan dowladda uuna ka mid ahaa Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha

