Advertisement

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo dalka ka duulay iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ugana sii gudbi doona dalka Ingiriiska.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Madaxweynaha mudane Sh. Shariif

Madaxweynaha mudane Sh. Shariif

Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo, ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. mudane Sh. Shariif Sh. Axmed,

Waxaa xubnaha wafdigiisa ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamada sare Dr. Maxamuud Faarax (Indha buur), Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka maaliyada mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta mudane C/risaaq Cismaan Jurile,

Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska marwo Fowziyo Maxamed Sh. Xasan iyo Xubno kale. Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa waxaa gegida dayuuradaha ku sii sagootiyay Masuuliyiinta dowladda iyo Saraakiisha ciidamada oo uu ka mid yahay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali madoobe) iyo Xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa, ayaa lagu wadaa in ay magaalada Nairobi, uga sii gudbaan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Ra’isal wasaaraha dalka Britain Mr. Golden Brown maalinta Isniinta, isagoo sidoo kale booqasho ku tagi doona maalinta Khamiista magaalada Birminghum

oo ay Soomaalidu ku badan tahay halkaas oo uu kula hadli doono Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa inta uu joogo dalka Ingiriiska, Masuuliyiinta dalkaasi kala hadli doono adkeynta xiriirka labada iyo in dowladda Ingiriisku ka caawiso dowladda Soomaaliya, dhinacyo badan si dalka nabad loogu soo dabaalo

SRNews

 Sarmaanyo@gmail.com