Muqdisho
Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska oo sheegtay in Haweenku la kulmaan dhibaatooyin badan.

marwo Fowsiyo Maxamed Sh. Xasan
Muqdisho Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska marwo Fowsiyo Maxamed Sh. Xasan, ayaa sheegtay in Wasaarada haweenka iyo horumarinta qoysku, ay wado dadaalo iyo qorshooyin lagu horumarinaayo Haweenka Soomaaliyeed.
Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska, marwo Fowsiyo Maxamed Sh. Xasan ayaa sheegtay in Wasaaradu wado qorshooyin lagu horumarinaayo Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in Haweenku yihiin kuwa u nugul dhibaatooyinka.
Wasiirada, ayaa sidoo kale sheegtay in dhibaatooyinka haysta Haweenka, ay intooda badan sabab u yihiin dagaalada dalka ka jira, waxayna sheegtay in dhibaatooyinkaas ay 70% ku dhacaan Haweenka, oo ay sheegtay in ay ka saameeyaan dhinacyo badan.
Marwo Fowsiyo Maxamed Sh. Xasan, ayaa intaa ku dartey, in loo baahan yahay in la xurmeeyo Haweenka, maadaama ay udub dhaxaad u yihiin bulshada Soomaaliyeed, iyadoo rajo ka muujisay xal u helida dhibaatooyinka haysta Haweenka Soomaaliyeed.
Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska, marwo Fowsiyo Maxamed Sh. Xasan, ayaa dhanka kale ugu baaqday kooxaha dowladda ka soo horjeeda in ay dhibaatooyinka iyo jirdilka ka daayaan Haweenka, Allana ka cabsadaan, waxayna sheegtay in Haweenku xiliyadan diinta si wanaagsan u bartaan ayna ka wanaagsan yihiin sidii waayadii hore.
Wasiirada, ayaa ugu danbeyn ugu hambalyeeysay Haweenka Soomaaliyeed maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da March, taasoo ay maalmo yar ka dhiman yihiin, waxayna Haweenka Soomaaliyeed u rajeysay nabad iyo horumar in ay ku gaaraan sanadkan sanadkiisa.
SR NEWS
sarmaanyo@gmail.com

