Muqdisho
asiiru dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha oo sheegay in Wasaaradu wado qorshayaal lagu soo celinaayo adeegyadii Bulshada ee burburey.

C/rashiid Maxamed Xidig
Muqdisho Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, mudane C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha guduhu wado qorsheyaal balaaran oo loogu talagaley soo celinta adeegyadii lagama maarmaanka ahaa ee Bulshada.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in Wasaaradu wado qorshayaal lagu tayeynaayo aqoonta Shaqaalaha Wasaarada, si ay u fududaato soo celinta adeegyadii guud ee Bulshada, maadaama ay intoodii badnayd ku burbureen dagaaladii dalka ka dhacay.
Mudane C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa intaa ku darey in ay ku mashquulsan yihiin sidii loo soo celin lahaa dhamaan adeegyadaas, wuxuuna sheegay in Wasaaradu wado sidoo kale qorshayaal maamul loogu sameynaayo Gobalada dalka si amaanka guud ee dalka loo soo celiyo.
Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibada mudane C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu diyaaar u tahay in ay wax ka qabato kooxaha dhibaatada dalka ka wada, isagoo sheegay in aysan aqbali doonin in Ajanabi aan dalka sharci ku joogin uu dalka iska joogo, islamarkaana uu dhibaato ka wado weliba uu dhibaateeyo Muwaadiniintii dalka.
Wasiiru dowlaha, ayaa ugu danbeyn shacabka Soomaaliyeed, ka codsaday in ay adkeystaan, wuxuuna ugu baaqay in ay ciidamada la shaqeeyaan si looga baxo dhibaatada dalka ka jirta, isagoo sheegay in mar dhow dalka laga xoreyn doono kooxahaas dhibaatada ka wada.
S r news
Sarmaanyo@gmail.com

