Muqdisho
Taliyaha ciidanka Badda oo Kaluumaysatada ka dalbaday in ay la soo xariiraan markii dhibaato loo geysto Doomahooda ama Qalabkooda.

Admiral. Faarax Axmed Cumar (Qare)
Muqdisho Taliska ciidamada Badda dowladda Soomaaliya, ayaa Kaluumaysatada ka dalbaday in ay la soo xariiraan markii dhib ay la kulmaan, si wax looga qabto loolana xariiro cida geysatay dhibkaas.
Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Admiral. Faarax Axmed Cumar (Qare),ayaa warbaahinta uu sheegay in loo baahan yahay in Kaluumaysatadu soo gudbiyaan cadeymo muujinaaya in doontaasi ay sheegeen in laga quusiyay la xariira, wuxuuna sheegay in ay xiriir fiican la leeyihiin ciidamada Caalamiga ah ee la dagaalama kooxaha burcad badeeda.
Admiral. Faarax Axmed Cumar, ayaa sidoo kale sheegay in Doomaha ay ciidamada Caalamigu beegsadaan ay yihiin kuwa burcad baddeeda, balse la baari dooni, hadii ay jiraana ay keenaan cadeymo muujinaayo arrintaas, si ay ula xariiraan ciidamadaas, waxna looga qabto dhibaatooyinka ay sheeganayaan Kaluumaysatada Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka Badda, ayaa intaasi ku darey in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin ciidamada Caalamiga ah iyo kuwa NATO ee ku sugan biyaha Soomaaliya, wuxuuna burcad baddeeda kula taliyay in ay ka waantoobaan falalkaas, maadaama aysan wax wanaagsan aheyn
sarmaanyo.com
Sarmaanyo@gmail.com

