Advertisement

Muqdisho

Xukuumada Soomaaliya oo xubno cusub ku dartey Gudiga dastuurka Qaranka.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
 xubno cusub ku dartey Gudiga dastuurka Qaranka.

xubno cusub ku dartey Gudiga dastuurka Qaranka.

Muqdisho Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya, ayaa xubno cusub ku biirisay Gudiga dastuur u sameynta dalka, kuwaasoo ku howlan in ay soo diyaariyaan dastuur waafaqsan shareecada Islaamka. Xaflad balaaran oo lagu dhaarinayay Xubnaha cusub, ayaa lagu qabtay xafiiska Ra’isal wasaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgaley

Guddoomiyaha Maxkamada sare Dr. Maxamuud Faarax (Indha buur), Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka tamarta iyo shidaalka mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex, Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada. Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, oo u waramaayay warbaahinta muqdisho, ayaa sheegay

in baahida keentay in la kordhiyo xubnaha Gudiga ay tahay in la helo dastuur sal adag ku taagan, kaasoo aas aas u ah shareecada Islaamka. Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa intaa ku darey in dastuurkaan cusub ay sameyntiisa gacan ka geysanayaan Culimada diinta Islaamka ku xeel dheer, kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo

Ajanabi, wuxuuna sheegay in dastuurkaan cusub uu horseedi doono in laga gudbo faquuqa iyo 4.5-ka, maadaama waxa lagu dhaqmaayo ay tahay diinta Islaamka, diinta Islaamkuna dadka dhan Walaalo yihiin. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay gacan ka geysan doonaa Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo Hay’addo kale, wuxuuna sheegay in

ay gacan ka geysan doonaan diyaarintiisa Qubaro Caalamka ka socota, wuxuuna dhanka kale sheegay in laga gudbi doono waxa KMG loo yaqaano, ayna cid kasta furan karto Xisbi u gaar ah. Xubnahan cusub ee lagu kordhinaayo Gudiga dastuurka Qaranka, ayaa tiradoodu gaaraysaa ilaa 15 xubnood, waxayna tirada guud ka dhigeysaa ilaa 30 Xubnood, waxaana dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare Dr. Maxamuud Faaarax (Indha buur), isagoo kula dardaarmay in ay shaqadooda si daacad ah u gutaan oo ay Alle ka cabsi ku jirto.

sarmaanyo.com

Sarmaanyo@gmail.com