Muqdisho
Baarlamaanka oo shaqo u abuuray qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed.
Muqdisho Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee soo dhameystay waxbarashadoodii jaamacadda iyo tan macaahiida ku dhiiri geliyay in ay shaqo u abuuraan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan madoobe), ayaa ka qeybgaley xaflad loo sameeyay in lagu dhiiri geliyo arday ku guuleystay imtixaan laga qaaday ku dhawaad 30 arday, taasoo ka dhacday xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, oo u waramaayay saxaafadda, ayaa sheegay in Guddoonka sare ee Baarlamaanku uu ku dhiiri gelinaayo ardayda Soomaaliyeed ee soo dhameystay waxbarashadooda sar sare in ay ka shaqeeyaan xafiisyada Baarlamaanka. Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in uu u mahad celinaayo Guddigii imtixaanka ka qaaday ardaydaas, wuxuuna sheegay in ardayda ay ku kala saareen aqoontooda, isagoo sheegay in sidoo kale laga eegay waxa ay aaminsan yihiin maadaama dalku uu ku jiro xaalad qatar ah oo aan cidkasta la aamini karin loona dhiibi karin shaqada Qaranka. Ardaydan oo tiro ahaan gaareysay ilaa 30 iyo dhowr arday, ayaa waxaa intixaanka ku guuleystay ilaa 18 arday, kuwaas oo noqon doona shaqaalaha cusub ee xafiisyada kala duwan ee Baarlamaanka. Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa sidoo kale sheegay in ardaydan ay u diri doonaan siminaaro dibada ah si aqoontooda kor loogu qaado ka hor inta aysan ka mid noqon shaqaalaha Baarlamaanka, wuxuuna ardayda ugu baaqay in ay shaqadooda si wanaagsan oo daacadnimo ah u gutaan.
Sarmaanyo.com
Sarmaanyo@gmail.com

