Advertisement

Muqdisho

Wasiiru dowlaha Wasaarada qorsheyta iyo iskaashiga caalamiga ah oo kormeer ku tagey xaruntii hore ee Golaha shacabka.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Wasiiru dowlaha Wasaarada qorsheynta

Wasiiru dowlaha Wasaarada qorsheynta

Muqdisho Wasiiru dowlaha Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. C/laahi Sh. Cali Qaloocoow, ayaa sheegay in Wasaarada qorsheyntu wado qorshayaala lagu dayactirayo dhismayaashii dowladda ee ku burburey dagaaladii dalka ka dhacay. Wasiiru dowlaha Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. C/laahi Sh. Cali Qaloocoow, oo u waramaayay warbaahinta muqdisho ayaa sheegay in ay diyaarinayaan qorshayaal dib loogu dayactirayo dhismasayaashii dowladdu ku shaqeyn jirtay. Wasiiru dowlaha, ayaa intaa ku darey in Wasaaradu ku howlan tahay arrimahaas, iyadoo ka bilaabi doono xaruntii hore ee Golaha shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay ku dadaalayaan sidii howlahaas loo soo gabagabayn lahaa. Prof. C/laahi Sh. Cali Qaloocoow, ayaa sidoo kale sheegay in ay deeqbixiyayaasha kala hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska xarumihii dowladdu ku shaqeyn jirtay si shaqada hay’addaha dowladdu u sahlanaato, balse aysan weli wax jawaab ah ka soo bixin, wuxuun amaanay qaabka ay u socoto howsha dib loogu dayactirayo dhismihii hore ee Golaha shacbiga Wasiiru dowlaha qorsheynta, ayaa ugu danbeyn sheegay in loo baahan in Soomaalidu isku tashato si loo gaaro horumar iyo nabad, wuxuuna ugu baaqay Ganacsatada, jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo Qeybaha kale ee bulshada in ay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka, isagoo sheegay in loo baahan yahay in howsha dalka la isla qabto maadaama dalku ka dhaxeeyo dadka Soomaaliyeed. Sarmaanyo.com Sarmaanyo@gmail.com