Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya ahna La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Eng.
C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumada ay ka go’an tahay dhaqan gelinta dariiqada Nabada ee loogu yeero Road Map-ka.
“Xukuumada dadaal badan ayay ku bixineysa sidii Road Map-ka u dhaqan geli lahaa, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in la ansixiyo Dastuurka, xilliga KMG laga baxo”ayuu yiri Eng. Yariisow oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee Muqdisho.
Eng. Yariisow ayaa sheegay in laga gudbo marxalada kala guurka ee uu dalka ka jiro uu muhiimad u yahay shacabka Soomaaliyed, si loo helo Dowlad rasmi ah oo aan KMG aheyn, isagoo tilmaamay in ifafafaalahaas uu soo muuqdo.
Shirka 135-xubnood ee madax dhaqameedyada ayaa lagu soo xulayaa 825-xubnood oo qeybaha bulshada iyo dhaqanka ah, kuwaas oo ansixinaya Dastuurka qabyo qoraalka, isla markaana soo doorta Baarlamaan cusub oo bedela kii hore.
Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ayaa si adag uga biya diidanaa Dastuurka qabyo qoraalka, iyo Road Map-ka, kaasoo ay ku sheegeen in aanu ka turjumeyn danta Umada Soomaaliyed, hase ahaatee Wasaarada Dastuurka ayaa sheegtay in wax badan laga bedelay qaar ka mid ah qodobada ay xasaasiyada ka timid ee ku jira Dastuurka.