Qarax Ismidaamin ay ku dhinteen Arday badan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax nooca ismidaaminta ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe ee KM-4 magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 50-qof oo u badan dad rayid ah.

Sida ay sheegaayan wararka laga helaayo Muqdisho,qaraxa ayaa waxaa geystay qof is soo midaamiyey oo watay gaari nooca Soomaalida u taqaano UD oo laga soo buuxiyey walxaha qaraxa lana beegsaday xarun ay degan yihin 8-Wasaaradood oo ka tirsan Dowladda ayna kamid tahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Dadka ku dhintey weerarka ismidaaminta ayaa u badnaa arday saaka u tegtay Wasaaradda si ay u ogaadaan natiijada imtixaan dhowaan ay galeen oo lagu tartamayay deeqda Waxbarasho ee Turkiga,waxaana sidoo kale ku jira Askar ka tirsan Dowladda oo ku sugnayd goobta iyo dad rayid ah oo kale.

Qaraxa ayaa sidoo kale dhaliyey dhaawac fara badan oo tiradoodu kor u dhaafayso 100-qof oo ay ku jiraan masuuliyin ka tirsan Wasaaradaha Dowladda oo ay ku jiraan Wasiir kuxigeeno.

Masuuliyinta Dowladda ayaa weli ka hadlin dhacdadaan iyagoo sheegay in ay socdaan baaritaano la xirrira sida uu falkaan u dhacay,waxaana ay sheegeen in gadaal faahfaahin ka bixin doonaan.

Wixii kusoo kordha qaraxaan lasoco Insha’allah