Muqdisho
Wararkii Ugu Dambeeyay Alshabaab oo rayid ku laayay Hoteel Muna
Muqdisho Laba dabley oo ka tirsan Alshabab ayaa rasaas aan loo kala aabbo-yeelin ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa hoteelka Muna ee ku yaalla Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyagoo laayay ugu yaraan 31 qof oo ay ka mid ahaayeen shaqaalaha hoteelka, sidaasi waxaa Raadiyo Muqdisho u sheegay booliiska. Dableyda ayaa hoteelka galay subaxnimadii Talaadada kaddib markii ay u labbisteen sida ciidamada dowladda KMG ah.
Lix ka mid ah xildhibaannadii ku sugnaa hoteelka ayaa ku geeriyooday weerarka. Waxaa sidoo kale howlgalka ku dhintay 5 ka tirsan ciidamada dowladda. Nimankii weerarka geystay ugu dambeyntii way isqarxiyeen.
Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG ah, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa yiri:
Arrintan ujeeddo kale kama ay laha aan ka ahayn inay argagixiyaan shacabka Soomaaliyeed. Waa fal aad looga xumaado oo dhacaya bishan barakeysan ee Ramadan. Waxay muujineysaa waxashnimadooda iyo sida aysan u xushmeyneyn bani’aadannimada”.
Muqdisho
Sarmaanyo.com


