Advertisement

Muqdisho

Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xildhibaanadii dowlada KMG Soomaaliya ee lagu laayay Hutelka Muno ee magaalada Muqdisho.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Faafaahino dheeraad

Faafaahino dheeraad

Muqdisho Sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo aan si hoose kulahadalnay tirada dhimashada ayaa waxa ay sii marayasaa ilaa iyo 37-ruux oo isugu jira xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

Hutelka Muuno oo ay arintaani ka dhacdaya ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba saraakiil waxaana lagu mashquulsanyahay aruunti masuuliyiinta halkaasi lagu laayay.

Sidoo kale waxaa dhici karta in qasaaruhu uu intaasi ka siibato maadaama Hutelka oo ah mid ku dhow xarunta Madaxtooyada ay daganaayeen xildhibaano aad u farabadan.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya oo ku aadan arintaan maanta dhacday.

Muqdisho

Sarmaanyo.com