Advertisement

Muqdisho

Xildhibaano iyo Dad Rayid Ah oo Lagu Xasuuqey Hotel Muna Muqdisho

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Wararka Maanta  laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay qabsadeen hoteel Muna oo ay inta badan si caadiya u degen yihiin xubno badan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

kooxda qabsatay Hoteelka ayaa la sheegayaa in ay ka tirsan yihiin Mujaahidiinta Al-shabaab, isla markaasna ay ku hubeysnaayeen jaakado loo maleeyey in walxaha qarxa uga sii hooseeyaan iyo qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca.

Waxaa ilaa iminka la xaqiijinayaa in tiro aad u yar oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo degenaa hoteelkaas ay ka baxsadeen, balse wararka laga helayo ilo u dhow dhow Al-shabaabka ayaa xaqiijinaya in ay dileen tiro aad u badan oo ka tirsan golaha Baarlamaanka Soomaaliya, mase jiraan ilaa iminka war lagu kalsoonaan karo oo si madax banaan uga soo baxaya goobta dhibaatadu ay ka socoto.

ciidamada Dowladda iyo kuwa Amison ayaa la sheegay in ay ku gadaaman yihiin dhismaha hoteel Muna halkaasoo ah goob ay ka socoto dhibaato ugub ah oo soo wajahday xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho