Advertisement

Muqdisho

AMISOM oo dalbatay tiro kale oo Ciidamo ah in lagu soo kordhiyo howlgalada ay ka wadaan Muqdisho.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Ciidamada AMISOM

Ciidamada AMISOM

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku adkaatay wax ka qabashada xaalada dalka Soomaaliya, iyagoo dalbaday in tiro kale oo ciidamo ah lagu soo kordhiyo, lana gaarsiiyo Ciidamada ilaa 4-kun Askari.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa magaalada Kampala ee dalka Yugandha ka sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho aysan waxba ka qaban karin xaaladda Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay tirade Ciidamada AMISOM la gaarsiiyo  40-Kun askari kale oo dheeraad ah lagu kordhiyo ciidamada AMISOM  ee jooga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale sarkaalkani waxa uu sheegay in 8-kun askari oo ay balanqaadeen Midowga Afrika kaliya aysan waxba ka qaban karin Soomaaliya loona baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 40-kun askar kale ah oo lagu biiriyo ciidamada AMISOM.

“Waxaa sii kordhaya o awoodda kooxaha islaamiyiinta ee Soomaaliya dagaalada ka wada,  kama tari karaan ciidamada AMISOM arrimaha Amaanka Soomaaliya, sidaasi awgeed waa In Ciidamada lagu so kordhiyaa 40-kun dheeraad ah” ayuu yiri Sarkaalkaasi oo dhanka kale shegay kooxaha islaamiyiinta in ay taageero ciidamo ka helayaan dagaalyahano shisheeye oo kala kala yimid dalalka Afganistaan, Bakistaan iyo waddamo kale, tabarna aysan u hayn Ciidamada AMISOM haddii laga dhigo 8-kun ay balan qaadeen Madaxda Midowga Afrika.

Sarmaanyo.com