Advertisement

Muqdisho

C/risaaq Qeylow Dareeska Ciidamada Suuqa Bakaaraha ayuu yaalaa Askariga Xizbul Islaam soo bandhigeena iyaga ayuu ka tirsan yahay

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
C/risaaq Qeylow

C/risaaq Qeylow

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada KMG ee Soomaaliya C/risaaq Qeylow oo la hadlay Saxaafada Magaalada Muqdisho ayaa beeniyey Askari ka tirsan Ciidamada dowladda KMG in ay nolosha ku qabsadeen ururka Xizbul islaam.

C/risaaq Qeylo waxa uu sheegay dharka Dowladda KMG inuu ahayn dhar u gaar ah dowladda KMG oo kaliya, laakiin laga heli karo goobaha suuqyada ganacsiga Magaalada Muqdisho.

Dareeska Ciidamada Suuqa bakaaraha ayuu yaalaa Askariga Xizbul Islaam soo bandhigeen iyaga ayuu ka tirsan yahay” ayuu yiri C/risaaq Qeylow oo sheegay in aysan jirin Askari ka mid ah Dowladda KMG oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Ururka Xizbul islaam intii ay socdeen dagaalada ka dhacay Magaalada Muqdisho shalay iyo doraad.

Haddalkan waxa uu ku soo beegmayaa xili shalay afhayeenka dhanka Howlgalada Ururka Xizbul islaam saxaafada shir jaraa’id uu u qabtay ku soo bandhigay Askari maxbuus ahaan uga qabteen Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sarmaanyo.com