Muqdisho
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab oo ka warbixiyey howlgalo Ciidamada Dowladda ka sameeyeen qaar ka mid ah Demgooyinka gobolka Banaadi
Muqdisho Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab dowladda KMG ee soomaaliya C/Baasid Maxamad Xasan ayaa ka warbixiyey howlgalo Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah Degmooyinka Dowladda KMG ay maamusho.
Guddoomiyaha ayaa sheegay howlgalada in ay ka sameeyeen Ciidamada dowladda KMG Degmooyinka Xamar-weyne, Waabari iyo Xamar Jajab halkaasi oo lagu arkay Ciidamada dowladda KMG oo si aad ah u hubaysan.
Howlgalada intii ay socdeen waxaa hakaday goobaha Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka dadweynaha Degmooyinkaasi Saddexda ah oo ay maanta Ciidamada dowladda KMG baaritaanada ka sameeyeen.
Mr. C/baasid waxa uu sheegay in ay jiraan dad lagu eedeynayo falalka amaanka ka soo horjeeda in ay ku qabqabteen Ciidamada dowladda KMG howlgalada ay sameeyeen, laakiin tirada dad ay qabqabteen dib ka soo sheegayo maamulka gobolka Banaadir.
Ma ahan markii ugu horaysay Ciidamada Dowladda KMG howlgalo noocaan ah ka sameeyaan degmooyinka Dowladda KMG ay maamusho


