Muqdisho
Hayada Culumada Soomaaliyeed oo ugu baaqday Dowladda KMG iyo xoogaga hubaysan in ay joojiyaan dagaalada shacabka ku baabaaya.
Guddoomiyaha Hay’ada Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo Saxaafada la hadlay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda KMG iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda in ay dagaalada shacabka ku baaba’aya joojiyaan.
Sheekha ayaa sheegay in ay qalad tahay sii socoshada dagaalada inta lagu jiro Bisha Ramadaan oo uu tilmaamay in ay tahay Bil qeyr iyo Cibaado badan, haddii la dagaalamana ay fidno ka dhalanayso, isagoona ugu baaqay dhinacyada hubaysan iyo dowladda KMG in ay u turaan Shacabka Masaakiinta ah ee dhibaatooyinka la daalaa dhacayaan mudada 20 sano ka badan.
Guddoomiyaha Hay’ada Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxa uu sheegay dagaalada ka socda Muqdisho una dhaxeeya Dowladda KMG, Xoogaga Hubaysan iyo AMISOM in aysan ahayn dagaalo Jihaad ah sida uu yiri, balse ay yihiin dagaalo Siyaasadeed.
Hadalka Guddoomiyaha Hay’ada culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku soo beegmaya xili wali Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dagaalo iyo Duqeymo dhiiga shacabka ku qubanaya, waxaana arrintaasi sii dheer hanjabaadyo dagaalo culus oo ay saxaafada isku marinayaan Dowladda KMG, AMISOM, Ahlusunna Waljameeca oo isku dhinac ah iyo xizbul Islaam iyo Alshabaab oo isku garab ah xili lagu jiro Bisha Ramadaan
Sarmaanyo.com


