Muqdisho
Atam Xoogagiisa oo Dhabarka ka Jabiyay Ciidamada PL
Weerar Culus oo ay saaka Aroortii soo qaadeen Ciidamada Ilaalinta Khayraadka ee uu Hogaamiyo Sheekha Barakaysan ee Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa la sheegay inay Ku dileen Laba Askari oo dhanka Malayshiyaadka Faroole ah Halka Tiro klae oo aan la sheegin oo dhawaac ah la Keenay Rugaha Caafimaad ee Magaalada Bosaaso, Sarkaal Sare oo ka Tirsan Xoogaga GalGala oo Saaka Nala hadlay isaga oo diiday in Magaciisa la xigto ayuu sheegay inay Weerar Lixaadle ku soo qaadeen Saldhig Ciidan oo lagu Magcaabo Madarshoon.
Ninkaasai Dhaq dhaqaaq Isbedeldoonka u hadlay ayaa sheegay inuu Dileen Askar ka tirsan PL isla markaana dharbaaxo xun ay soo Gaadhay Dhanka PL, waxa uu Xusay inaanay Jirin wax khasaare ah oo dhanka Xogaga GalGala soo Gaadhay isaga oo Intaasi Raaciyay inuu wali dagaalku socodo, isla markaana ay dib u Yara Kiciyeen Ciidamada Garoowe.
Dhanka kale Wasiirka Amniga Gen Yusuf Ahmed Khayr ayaa Warbaahinta Gudaha u sheegay inuu Jiro weerarkaasi waxana uu dhankooda sheegtay Guul inay ka Gaadheen waxa uu ku Tilmaamay Xulufo Diidan Siyaasada iyo Jiritaanka PL.
Waa werarkii Sadexaad ee lagu soo qaado dhanka Ciidamada Pl Tan markii Faroole sheegay inay Gudaha u Galeen Degmada is Taraatiijiga ah ee GalGala, walow Sheekh Atam uu dib Dagaal Jihooyin badan leh Ugula wareegay GalGala.
Sarmanayo.com

