Advertisement

Muqdisho

Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha oo Khasaare Xooggan Gaystay

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Suuqa Bakaaraha

Suuqa Bakaaraha

Dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare aad u xooggan oo soo gaaray ganacsato Soomaaliyeed oo ka ganacsan jirey shidaalka ka dib markii uu dabku baabi’iyey gebi ahaanba ganacsigoodii.

Ganacsatada hantidooda ay ku gubatay dabkii xalay ayaa qaarkood saxaafadda u sheegeen in halkaas ay uga baaba’day hanti aad u badan oo ay ku jiraan lacago kaash ah oo yaallay goobaha dabku qabsaday.

Shidaal ka badan boqolaal fuusto ayaa halkaas ku gubatay, iyadoo ganacsatadii lahayd shidaalkaas ay ku warameen inuu shidaalkaasi isugu jiray baasiin iyo naafto dhawaan laga keenay dalka dibadiisa.

Dadaal xooggan oo ayey xalay sameeyeen dadweyne farabadan oo ka kala yimid magaalada Muqdisho qeybeheeda kala duwan iyo deegaanada lagu barakacay oo ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho.

Saaka ayaa goobtii xalay gubatay waxaa gaaray dad farabadan oo doonayay in ay ogaadaan hantida halkaas ku gubatay iyo goobaha uu dabku baabi’iyay.