Muqdisho
Cali dheere “Qaraxii galabta waxaan ku laynay Brundese”

Sh. Cali Dheere - afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Alshabaab Almujaahidiin
Afhayeenka Xarkada Al shabab Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa sheegay in qarax ay galabta kla fuliyeen fariisinka Amison ee xerada xalane ay ku dileen saraakiil fara badan oo ka tirsan ciidamada Brundi ee qaybta ka ah kuwa Amison ee kusugan gobolkaasi.
Waxaa uu afhayeenku sheegay in uu qaraxaasi ahaa mid qayb ka ah soo dhweynta koox iyaga ka tirsan oo lagu magacaabo guutada Khaalid Bin Waliid oo ka timid gobolada jubooyinka kuwaas oo u yimid sida uu afhayeenku sheegay weerar ka dhan ah cadowga ilaahay oo uu ula jeeday dowlada KMG iyo ciidamada Amison ee kusugan magaalada Muqdisho.
Cali dheere waxaa uu kaloo ka hadlay diyaar garowga ay ugu jiraan dagaal ay la galaan dowlada iyo ciidamada Amison oo iyagana sida la sheegay isu abaaulayay weeraro gaadhaya dhamaan gobolada koonfureed ee Soomaaliya kuwaas oo intooda badan ay gacanta ku hayaan mucaaradka dowlada KMG.

