Advertisement

Muqdisho

Mid kamid ah Saraakiisha ugu saraysa Al shabab oo sheegay in ay weerarayeen Muwaadiniinta Maraykanka.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Sheekh Fu aad Shongole

Xarakada Mujaahidiinta Al shabab oo gacanta ku haysa  deegaano badan oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya ayaa ku eedeysay qaaxyadii dhowaan ka dhacay Masaajidka C/dalla Shidaaya ee magaalada Muqdisho in ay ka dambeeyeen Maraykanka,iyagoona ku goodiyay in ay ka aargudan doonaan.

Sheekh Fu aad Shongole oo ah Mid kamid ah Saraakiisha ugu sareeya Xarakada Al shabab oo dhowaan xili uu Duruus ku bixinayay Masaajidka Shidaaya ee Suuqa bakaaraha qarax lagula beegsaday ayaa sheegay in ay qaraxooda ka dambeeyeen shisheeye uu Maraykanku horkacayo.

“Anaga waad na beegsateen,anaguna waan idin abaaraynaa,meel kasta oo aad joogtaan waan idiinku imaanaynaa”waxaa hadalkaasi yiri Sheekh Fu aad Shongole oo sheegay in ay ka aargudanayaan Maraykanka iyo isbahaysigooda.

Qaraxyo isxigxiga ayaa kowdii  bisha May waxaa lagu qarxiyay Masaajidka C/lla Shidaaya xili ay dadku isu diyaarinayeen in ay ku tukadaan masaajidka Saalaadii duhur,iyadoona in kabadn 32 qof ay ku dhinteen qaraxyadaasi.

Ma jirto dhinac si rasmi ah u sheegtay in ay ka dambeeyeen qaraxyada ka dhacay Masaajidkaasi,iyadoona siyaabo kala duwan ay Masuuliyiinta Xarakada Al shabab ugu eedeeyeen in ay ka dambeeyeen dowlada KMG iyo gacmo shisheeye.