Muqdisho
Amaan Xumi Lagu Soo Sheegayo Degmada Xamar Weyne Ee Gobalka Banadir
MUQDHISO, Soomaaliya – Gudoomiyaha degmada xamar weyne C/laahi ibraahim sahal Gardhuub ayaa qiray in ay degmada ka jirto amaan xumi baahsan taas oo loo geysto dad shacab ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in amaan darida degmada in ay geeysanayaan dad isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ah ama xasuusta ka lumiya qofka isticlama kuwaas oo dhac iyo boob u geysta ganacsatada iyo dadka shacabka ah.
Degmada Xamar weyne ayaa waxa u dhaw madaxtooyada waxaana mararka qaar la sheegaa in ciidamada madaxtooyada ay soo aadaan degmadasi si ay wax u soo dhacaan.
Ugu danbayntina lama oga sida ay wax noqonayaan iyo tilaabada uu shegay in maamulka degmada uu ka qaadanayo dadka ka wada dhibaatada degmada Xamar weyne.
Sarmaanyo.com
Sarmaanyo@gmail.com


