Advertisement

Muqdisho

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Hub iyo Dad.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
G/sare C/laahi Xasan Bariise

G/sare C/laahi Xasan Bariise

MUQDISHO, Soomaaliya — Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa shaaca ka qaadey in ay gacanta ku dhigeen dad iyo qalab fara badan, kadib markii howlgalo amniga lagu sugayo ay ka sameeyeen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo u waramayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalo ay ka fuliyeen wadada Maka Al- mukarama oo ay ku baarayeen gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa BL-ka, ay gacanta ku soo dhigeen Qalab ciidan, Hub casri ah iyo Dadkii sitey qalabka

Afhayeenku waxaa uu sidoo kale sheegay in qalabkaasi lagu wareejiyay dowladda, dadkii lagu qabteyna Maxkamad la soo taagi doono, laguna qaadi doono danbiyada ay galeenAfhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaa uu uga digey darawalada gaadiidka kala duwan, BL-ka iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, in ay sameeyaan waxyaabo keeni kara amni daro, iyagoo lacag u x

ilinaaya, wuxuuna sheegay in ay iska koontaroolaan waxa dadku doonayo in loo qaado in Hub ku jiro iyo in kale.

Sarmaanyo.com

Sarmaanyo@gmail.com