Muqdisho
Wasaarada Gaashaandhiga Dowldda KMG Oo Dabkii Bakaaraha ku Eedeysay Ururka al shabaaba
MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiiro Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad “Indha Cadde” ayaa ku eedeeyey dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha in ay ka danbeeyeen ururka Al-shabaab.
Indha Cadde ayaa sheegay dabkaasi in uu ahayn mid si iskiis ah u qarxay, laakiin ahaa dab ay si kas ah u fuliyeen ururka al-shabaab sida ka muuqatay hadalkiisa
Waxa uu sheegay dood dheer oo muran ah in uu soo kala dhex galay madax ka tirsan Al-shabaab oo suuqa Bakaraha ku wada sugan, doodaasina ay keentay in ay gubaan shidaalkaasi oo qeyb ka mid ah ururka Al-shabab wax ka lahaayeen sida uu sheegay Sheekh Yuusuf Indha Cadde
Ugu danbeyn Indha Cadde ayaa sheegay in ay dowladda KMG ficilo samayn doonto si ay meesha uga sari lahayd Ururada Al-shabaab iyo Xizbul Islaam.


