Muqdisho
Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo xalay qarax lagu weeraray Xaafada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho Wararka naga soo gaaraya Xaafada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya xalay kooxo hubaysan qarax Bambooyin ku weerareen Ciidamada Dowladda KMG ku sugan xaafadaasi.
Qaraxan ayaa loo adeegsaday bam gacmeed qaraxa kadibna Ciidamada waxay fureen rasaas cabsi ku beertay dadka shacabka ah ee dagan xaafada afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Xaafada Afisyooni waxaa habeenkii labaad saaran xaalad bandow ah, kooxaha falkaasi ka danbeeyeena waa ay ka baxsadeen goobtii lagu weeraray Bamka Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa xalay lagu weeraray Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya Xaafada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horaysay qarax lagu weeraro Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya Xaafada Afisyooni, waxa uuna noqonayaa qaraxan kii labaad, kadib qarax habeen hore lagu tuuray ciidamadaasi.
SRNEWS
Sarmaanyo@gmail.com


