Advertisement

Muqdisho

Dagaalo siyaabooyin kala duwan xalay uga dhacay qeybo ka mid ah Caasimada Magaalada Muqdisho iyo Xarakada Al-shabaab oo guulo ka sheegatay dagaaladaasi

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Muqdisho.Wararka naga soo gaaraya Caasimada magaalada Muqdisho ayaa sheegaya xalay dagaalo culus oo la isku adeegsaday garneelada garbaha laga tuuro iyo hubka kale ee Culus dhex maray dhinacyada islaamiyiinta iyo Ciidamada Dowladda KMG oo garab ka helayeen ciidamada AMISOM.

Dagaal qaraar ayaa xalay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ku dhex maray Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab, dagaalkaasina waxa uu cabsi ku beeray dadka shacabka ah ee dagan xaafadaha degmooyinka shibis iyo C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ka dhacay Shibis waxaa guulo ka sheegteen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo weeraradaasi ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Dhanka kale dagaal culus ayaa xalay ka dhacay Xaafada Taleex Degmada Hodon ee Magaalad Muqdisho halkaasi oo ay ku hardameen ciidamada Ururka Xizbul Islaam iyo Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya

Sidoo kale dagaal waji kale leh ayaa isla xalay saqdii dhexe ka dhacay Kulliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, markii weerar ku soo qaadeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.

Dagaalada xalay ka dhacay qeybahaasi ka midka ah degmooyinka gobolka Banaadir inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhimatay waxaana ku dhawacmeen 5 qof oo rayid ah kuwaas oo xaafado kala duwan oo dagaaladaasi ka dhaceen dhaawacyo gaareen

Dhanka Dowladda KMG kama hadlin dagaaladii xalay ka dhacay Kulliyada Jaalle Siyaad, Xaafada Taleex iyo Degmada Shibis oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanayaan ciidamada AMISOM iyo dhinacyada islaamiyiinta ka soo horjeeda

Ma ahan markii ugu horaysay caasimada Magaalada Muqdisho dagaalo ku dhex maraan dhinacyada islaamiyiinta iyo Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya oo kaashanayaan Ciidamada Shisheeye.

SRNEWS

Sarmaanyo@gmail.com

a