Advertisement

Muqdisho

Golaha Dhaqanka beelaha hawiye oo ugu baaqay kooxaha Burcad Badeeda in ay si sharuud la’aan ah ku sii daayaan Doomo u raran Ganacsato Soomaali ah.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

 Nabadoon Axmed Diiriye Cali

Nabadoon Axmed Diiriye Cali

Muqdisho Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ugu baaqay kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida in ay si sharuud la’aan ah ku sii daayaan in ka badan 9 Doomo ganacsato Soomaali ah u raran yihiin, doomankaasi oo ay afduubteen Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Afhayeenka ayaa sheegay afduubka Doomahaasi u raran Ganacsatada Soomaalida ay tahay mid dhibaato u keenaysa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana kooxahasi qafaasheen xili doomankaasi ku sii jeedeen Dekadaha Soomaaliya

Shacabka dhibaato culus ayay ku qabayaa in la afduubto Doomanka ganacsatada Soomaalida Badeecooyinka u saaran, wadamadii Doomanka ka soo kiraysan jireen intoodii badnayd way diideen in ay dalka Soomaaliya u soo diraan, waxaana ugu wacan Afduubka guracan kooxaha Burcad badeeda kula dhaqaqeen Doomankaasi” ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay haddii kooxaha Burcad Badeeda falkaasi afduubka doomaha Ganacsatada Soomaalida leeyihiin sii wadaan ka dhalan karto Sicir barar uu sheegay hadda in laga dareemay Suuqyada soomaaliya.

Haddalkan ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeysay kooxaha Burcad Badeeda Afduubanayeen Doomaha Ganacsatada Soomaalida waxaana la xaqiijiyey in hadda 9 doonyood oo badeecooyin kala duwan Soomaaliya u soo waday Dekaddaha soomaaliya, balse kooxaha Burcad Badeeda soomaalida qafaasheen waana caqabad hor leh oo shacabka Soomaaliyeed soo wajahday.

SRNEWS

Sarmaanyo@gmail.com