Somalia
Wafdi Q.M. ka Socda oo Kulamo la Yeeshay Mas’uuliyiinta Sar-sare ee Dowladda Soomaaliya

Wafdi ka Socda Q.M.
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka oo uu hogaaminaayay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Jarles Bitter ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho.
Wafdigan oo ka kooban 11 xubnood waxay kulamo gooni gooni ah la qaateen Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Kulamadaan ay yeesheen masuuliyiinta sar sare ee dowladda iyo wafdiga Qaramada Midoobay waxaa lagu lafa gurey xaaladdda siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee dalka iyo sidii Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamku u taageeri lahaayeen hirgelinta barnaamijka siyaasadeed ee dowladda mudada u harsan.
Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kulanka kadib, saxaafada la hadlay waxaa uu sheegay in shirkaasi dhamaan qodobadii looga hadlay si fiican la isugu afgartey.
Wafdiga ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho waxay soo kormeereen xarumaha uu tababarka uga socdo ciidamada dowladda, si ay ugu kuurgalaan heerka diyaargaroow ee ay ciidamadu ugu jiraan sidii ay amniga u soo celin lahaayeen

