Advertisement

Somalia

Xarakada Al-shabaab oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Dowladda Maraykanka ee ahaa in ay ka qeyb qaadanayaan Duulaanka Dowladda KMG u qorsheysan.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Sheekh Cali Dheeremuqdisho Al Shabaab ayaa shaaca ka qaadday inay iska difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, isla markaana aysan wax wadahadal ah la geli doonin dowladda KMG Soomaaliya.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeeray dowladda Mareykanka ee ku aaddanaa in abaabulada dagaal ee ay dowladda KMG Soomaaliya ku doonayso in ay kula wareegto magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya ay ciidamada cirka ee Mareykanka ka qeyb qaadanayaan.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in hadalkaasi ka soo yeeray dowladda Mareykanka uusan waxba u dhimi doonin xarakada Al-shabaab isagoo qorshayaasha dagaal ee ay dowladda KMG Soomaaliya waddana ku sheegay in hadii ay doonayaan in ay la dagaalamaan Xarakada Al-shabaab aysan jirin cid hadaba ka hortaagan.
Afhayeenka waxaa wax laga weydiiyay hadalkii dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddanaa in ay soo dhawaynayaan Xarakada Al-shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam haddii ay wadahadal la gelayaan, wuxuuna Sheekh Cali sheegay in aysan wax wadahadal la gali doonin dowladda KMG Soomaaliya.
Mar uu afhayeenka Al-shabaab soo hadal qaaday hay’adda Cunada adduunka ee WFP oo dhawaan ay ka mamnuuceen inay ka howlgasho degaannada ay Al-shabaab gacanta ku hayaan ayuu sheegay in WFP aysan marna u ogolaanaynin inay dib uga howlgasho goobaha ay iyagu ka taliyaan, sida uu yiri.
Haddalkan ayaa ku soo beegmaya xili maanta Dowladda Canada shaacisay Xarakada Al-shabaab u aqoonsatay urur Argagixiso Caalami ah.
SRnews
sarmaanyo@gmail.com