Somalia
Saraakiisha ciidamada Jubooyinka ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen diyaar garowgii ay ugu jireen in ay ku xoreeyaan Gobaladaas
Kismaayo Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah u qaabilsan xoreynta gobalada Jubooyinka, ayaa sheegay in ay soo dhameystireen diyaargarowgii ay ugu jireen diyaarinta ciidamada loogu talagalay in ay ka sifeeyaan kooxaha dhibaatada ka wada dalka ee ku sugan gobalada Jubooyinka.
Sargaal ka tirsan ciidamadaas, oo lagu magacaabo Captain. Xirsi Xaaji Cabdi ayaa,warbaahinta uu sheegay in ay soo dhameystireen diyaarinta iyo habeynta ciidamadii ka xoreyn lahaa kooxaha dowladda ka soo horjeeda deegaanadaas.
Sargaalka, ayaa intaa ku darey in shacabka deegaanadaas ay mar dhow ka nasan doonaan dhibaatooyinkii lagu hayay, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamadooda si looga baxo dhibaatada iyo fowdada ka jirta deegaanadaas.
Captain. Xirsi Xaaji Cabdi, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay Maleeshiyada kooxahaaasi ula dhaqmaan dadka rayidka ah, wuxuuna sheegay in ay jirdilaan misna ku qasbaan, in ay warbaahinta ka sheegaan in ay la heshiiyeen, isagoo sheegay in dadku ka cabsanayaan ficilada xun xun ee ay kooxahaasi dadka kula kacaan, lagana dulqaadi doono hadii uu Alle idmo.
Sargaalka, ayaa sidoo kale sheegay in ay qasaarooyin badan u geysteen Maleeshiyaadka kooxahaas, wuxuuna sheegay in ay kaga gubeen Gaadiid-dagaal kadib dagaalo ay kula galeen deegaanka Afmadoow oo qasaarana u geysteen, wuxuuna sheegay in ay soo dhawaatay waqtigii laga saari lahaa deegaanka.
SRnews
sarmaanyo@gmail.com

