Advertisement

Somalia

Xarakada Al shabab oo Qaar ka tirsan deegaanada koonfureed ee Soomaaliya ka mamnuuca barashada luuqada English-ka.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Ciidan ka tirsan Al shabab

Xarkada Mujaahdiinta Al shabab oo ka talisa inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa qaar ka tirsan deegaanada fog fog ee koonfurta ka mamnuucay barashada luuqada English-ka iyo culuumta kale ee la xiriirta maadiga.

Maamulka xarakada ee Afmadow ayaa maalmo u qabtay qaar ka tirsan iskuulada deegaanka oo lagu barto wax barashada maadiga ah in ay joojiyaan,iyadoona sida ay maamulku sheegeen lagu badalayo luuwada carabiga iyo barashada shareecada Islaamka.

Magaalada Afmadow oo ku taala  xuduuda koonfur galbeed Soomaaliya kala wadaagto Kenya ayaa noqonaya hadii uu sharcigan ka dhaqan galo mid ay suurta gal tahay in ay u gudubtay deegaanada ay Xarakadu gacanta ku hayso.

Horay waxaa ay Xarakada uga mamnuucday deegaanada ay gacanta ku hayso daawashada aflaamta iyo ciyaarta xafladaha arooska,waxaana qofkasta oo jabiya sharcigooda ay sheegeen in ay ku qaadayaan wax ay diinta islaamku ka qabto ciqaabta dambiga uu qofku galo.

Xarakada Al shabab waxaa ay dagaalo xoogan kula jirtaa DKMG ee Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika kuwaas oo ku howl galaya magaca Amison.

Amarkan cusub ee ay Xarkadau soo saartay ayaan la ogayn sida uu hirgalayo maadaama aysan diinta islaamka xaraamtimeen barashada culuumta oo ah mid ay Islaamku horay Xadaarada u lahaayeen.