Advertisement

Somalia

Burcad badeeda oo gacanta ku dhigay Markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay Norweig.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Burcad badeed

Burcad badeeda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay Markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyhay wadanka Norweig kaas oo ay Burcad badeedu qabsadeen xili uu marayay badweynta India isagoona ku wajahnaa xeebaha wadanka Tanzania ee Afrikada bari.

Markabkan oo lagu magacaabo UBT Ocean ayaa waxaa uu shidaal kasoo qaaday wadanka Imaraadka sida uu shegay  mid  kamid ah mulkiilayaasha Norweijina-ka ah ee markabkaas Svenn Pedersen.

Pederson waxaa uu kaloo sheegay in ay la xiriireen kabtan-ka Markabka markii ay waayeen xiriirkii ay la samaynayeen,waxaana uu sheegay kabtan-ku in ay ku jiraan gacanta Burcad badeeda.

UBT Ocean oo ka diiwaan gashanaa jasiirada Marshal ayaan la garanayn halka ay Burcad badeedii qabsatay ay u dhigeen,iyadoona sida ay qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada bada Midowga yurub ee xeebaha Soomaaliya sheegeen ay Burcad badeedu ula dhaqaaqeen xeebaha gobolka mudug ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Qabsashada Markabkan ayaa imaanaya xili ay Maraakiibta dagaalka xeebaha Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen 11 Burcad badeed soomaali ah oo ay sheegeen in ay damacsanaayeen in qafaalasho u geystaan maraakiib gooshayay badaha Soomaaliya ku dhow.