Advertisement

Somalia

Beelo ku Dagaalamay Gobolka Sh. Hoose

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Map-ka degmada Wanlawayn

Map-ka degmada Wanlawayn

WANLAWAYN, Soomaaliya — Beelo wada dega gobolka Shabeellada Hoose deegaano ka tirsan ayaa ku dagaalamay barqanimadii maanta, waxa uuna dagaal beeleedkasi saamayn ku yeeshay degamada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka dagaaladda ka dhaceen ayaa shegay dagaalada inay u dhaxeeyaan laba maleeshiyo beeleed oo isku af dhaafay dhul daaqsin ah, waxayna labada dhinac dagaalka isku adeegsadeen hubka qeybahiisa kala duwan.

Dhimaso iyo dhaawac labada dhinac ayaa ka dhashay dagaal beeleedka maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn deegaano ka tirsan.

Ciidamada al-shabaab gobolkasi ayaa ku baxay dagaalkaasi waxayna wadaaan dadaalo ay ku hakinayaan joojinta dagaal beeleedkasi.

Si kasta ha ahatee dagaal beeleed yada ka dhaca Konfurta Dalka soomaaliya ayaa ah kuwo joogto ah oo aan badanaa lagu guuleysan in xal laga gaaro.