Advertisement

Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ka Warbixiyay Shir-madaxeedkii 14aad ee Midowga Afrika

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Cali Axmed Jaamac Jangali - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

ADDIS ABABA, Ethiopia — Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyay shirkii wadamada Qaaradda Afrika ugu soo gabagaboobay magaalada Adiss-ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo Soomaaliyana ay ka qeyb gashay.

Mudane Jingili ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim u ahaa Qaaradda Afrika oo ay ka mid ahaayeen xaaladdaha ka taagan wadamada Suudaan, Congo iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiirku in dhamaan wadamadii isugu yimid shirka ay si wayn uga doodeen arrimaha Soomaaliya, laguna taageeray cod mideysan, wuxuuna sheegay in sanadkaan ay madaxda Afrika u aqoonsadeen sanadka nabadda, la iskuna raacayna in wax laga qabto arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya.

Golaha Africa ayaa go’aamiyay in sanadkaan lala dagaalamo baahida, taasoo halku-dhigga Madaxweynaha cusub ee Midowga Africa sanadkaan uu yahay in la waayo qof baahan oo African ah iyo wax ka qabashada ammaanka iyo nabadda Qaaradda iyo in la fududeeyo habka socdaalka Qaaradda Africa.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac (Jingili) ayaa shirkaan ku tilmaamay mid muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dhamaan madaxdii uu la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku dhamaadeen guul, iyadoo madaxduna ka mideysnaayeen wax u qabashada dowladda Soomaaliya.

Waxaa kaloo kulanka 14-aad ee Midowga Afrika looga hadlay sidii loo hagaajin lahaa adeegyada isgaarsiinta loo yaqaano ICG, warbaahinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha, airport-yada, wadooyinka gaadiidka iyo tareenada Afrika, iyadoo la ansixiyay miisaaniyadda Midowga Africa ee sanadkan 2010-ka.

Madaxweynaha dalka Malawi oo ah Madaxweynaha cusub ee Midowga Africa ayaa ballanqaaday in uu wax badan ka qaban doono baahida ka jirta Qaarada, wuxuuna sheegay in shanta sano ee soo socota uu rajeynayo in aan la arki doonin qof Africa dhexdeeda ku baahan, isagoo intaa raaciyay in nabadda iyo amaanka ay tahay arrinta ugu muhiimsan ee wax laga qabanayo, hadafka guudna uu yahay in la helo afrika oo isku xiran.