Somalia
Ciidamada bada Midowga Yurub oo sheegay in ay Badalayaan Qorshaha ay kula Dagaalamayaan Burcad-badeeda

Ciidamada M. Y.
(Sarmaanyo.com) — Waxaa ay ciidamada bada Midowga sheegeen in ay badalayaan qorshaha ay kula dagaalamayaan burcad Soomaalida ee ay awoodooda weerarada iyo tan qafaalasho ay sii kordhayso.
Taliyaha ugu sareeya howlgalka ciidamada bada Atlanta ee Gacanka Cadmeed iyo badweynta India Admiral Peter Hudson ayaa sheegay in ay ku wajahayaan burcad badeeda qarshayaal cusub kadib markii ay awooda burcad badeedu gaartay meelo ka baxsan xeebaha Soomaliya,iyadoona ay gaareen meelo 2,000 u jirta xeebaha geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Taliyuhu waxaa uu sheegay soo bandhigida qarshayaashan xili uu ku sugnaa xarunta Midowga Yurub ee Brusseles,iyadoona uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaqa burcad badeeda ee asbuucyadii ugu dambeeyya mid saamayn ku yeeshay hadal haynta burcad badeeda ee caalamka.
Admiral Peter Hudson waxaa uu ciidamada bada Atlanta sheegay in ay ku guulaysteen howl galadoodii la dagaalanka burcad badeeda ee ay gacanka cadmeed ka wadeen,laakiinse ay burcad badeedu noqdeen kuwa hadba dhinac uga guura bada iyaga oo qafaalashadooda iyo weeraradoodu ay noqotay mid ay indhaha ku hayaan.
Howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaliya waxaa uu noqday mid adag,iyadoona lacagta Madaxfurashada ee ay helayaan ay ka dhigtay awooda Burcad badeeda mid sii korota waxaa hadlkaasi sheegay xili uu ku sugnaa xarunta Midowga Yurub ee Brussles.

