Advertisement

Somalia

Xildhibaano Haayadda UNDP Ugu Baaqay inay faraha kala baxday Dastuura cusub ee Somalia ee qoraalkiisa la wado

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay hay’adda UNDP inay faraha kala baxdo Sameynta Dastuurka cusub iyagoo dhinaca kale Xukuumada kMG ku eedeeyay in ay gashay qiyaano qaran.

Kulankaani oo ay isugu yimaadeen xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ay kaga hadlayeen dhaliilo ay u jeedinayeen Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’adda UNDP.

Kulanka ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyay xoghayaha Barlamanka Xildhibaan Cumar Islow kaasoo ku dheeraaday eedeymo uu u jeedinayo Dastuurka isagoo sharci daro ku tilmaamay dastuurka dalka Soomaaliya ay soo daabacdo hay’adda UNDP ee maalmahaani la soo bandhigayay waxaana uu tilmaamay in uusan aheeyn mid sharci ah maadaama sida uu sheegay aan la soo marsiin Barlamanka islamarkaana ay ka warqabin gudiga Dastuurka Barlamanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Cumar Islow in hay’ada UN-ka looga baahanyahay oo kaliya in dowlada KMG ay ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha iyo farsamada balse aysan shaqo ku laheyn inay soo faragaliyaan Dastuurka Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday gudiga Madaxa banaan ee qorista dastuurka inay dastuurka dib u celiyaan ilaa inta laga soo ansixinayo.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gudiga Dastuurka iyo arimaha Federaalka Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil waxaana uu sheegay in aysan ka warqabin gudiga Madaxa banaan ee howlan qorista dastuurka, isagoo ku eedeeyay Wasiirka Dastuurka iyo arimaha federaalka inuu hagardaameynayo dastuurka dalka Soomaaliya xukuumaduna ay ku dhaqaaqday qiyaamo qaran sida uu hadalka u dhigay.

Maalintii shalay ayay aheeyd Markii gudiga madaxa Banaan ee qarista dastuurka ay Wasaarada Warfaafinta kusoo bandhigeen qoraal qabyo ah oo ka mid ah Dastuurka dalka Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in markii ay qorayeen dastuurka la soo marsiiyay Barlamanka