Advertisement

Somalia

Nin ganacsade ah oo lagu dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Afgooye Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Ururka Xizbul Islaam Degmada Afgooye ayaa maanta barqadii Nin Ganacsade iyo Ciyaartooy caan ahaa ku dilay bartamaha Suuqa Degmada Afgooye

Ninkan la dilay waxaa lagu sheegay Magaciisa Shiikhey waxa uuna ka mid ahaa Ganacsatada Qaadka keenta degmadaasi isla markaana ka mid ah Ciyaaryahanada Kubada Cagta ku ciyaarta Degmadaasi.

Qof ka mid ahaa goob jooge ku sugnaa goobtii lagu dilay Shiikhey ayaa sheegay in ay ku murmeen in aan gudaha suuqa lagu iibin Karin qaadka halka Shiikhey uu muran ka keenay arrintaasi, kadibna Askariga oo qoriga Amaanka u furnaa rasaas ku furay

Wararka waxay sheegayaan Ciidamada Amaanka Degaankaasi in ay gacanta ku dhigeen Askariga falka dilka ah geystay, in kastoo warar soo baxay ay sheegayaan Askariga inuu wali si caadi ah u gaaf wareegayo degmada Afgooye dhexdeeda oo aan maamulka waxba ka qaban

Ma ahan markii ugu horaysay Ciidamada Ururka Xizbul islaam dad rayid ah toogasho ku dilaan, waxaana jira marar badan oo maamulka xukuno ku rideen askarta falalka guracan kula kaca dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay maamulaan.

Sarmaanyo.com