Advertisement

Somalia

Shariif oo Zenawi kula shirey Addis Ababa una sii gudbi doona Nairobi

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Shariif iyo Zenawi

Shariif iyo Zenawi

Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia wuxuu shalay shir kula yeeshay ra’iisal wazaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi.

Labada nin ayaa markii uu soo gabagaboobay shirkii Midowga Afrika ee ka socday magaalada Addis Ababa, waxay isugu yimaadeen kulan ay uga wada hadlayeen arrimaha Soomaaliya iyo sidii Ethopia uga qayb qaadan lahayd xal u helidda dhibaatada daba dheeraatay ee Soomaaliya la soo daallaa-dhacaysay 20kii sano ee ugu dambeeyey.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa labadii beri ee la soo dhaafayba wuxuu kulamo la yeelanayey xubnihii ka socday Ururka Midowga Afrika ee shirku uga socday magaalada Addis, asagoo weydiisanayey sidii Afrika ay isu dhinac taagi lahayd Soomaaliya ayna u caawin lahaayeen.

Shariifka oo safarkiisa uu Ethiopia ku joogo ay ku weheliyaan wasiirka maaliyadda Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo wasiirro kale oo ay ka mid yihiin Cali Axmed Jaamac (Jingali) iyo Cabdirazaaq Cismaan (Juurille) ayaa lagu wadaa inay maanta u soo ambabaxaan dhanka magaalada Nairobi si ay ula kulamaan mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka.