Advertisement

Somalia

Q.M.: Jannaayo waxay ahayd bishii ugu geerida badnayd Soomaaliya

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Askari caawinaya qof dhaawac ah

Askari caawinaya qof dhaawac ah

(Sarmaanyo.com) — Warbixin ay hay’adda Qaramada Midoobay soo saartay ayay ku sheegeen in bishii la soo dhaafay ee Jannaayo ay ahayd bishii ugu geerida badnayd illaa iyo xagaagii.

Boqollaal Soomaali ah ayaa la dilay tobanaan kun oo kalena waxaa lagu khasbay in ay ka cararaan guryahooda, bishii Jannaayo; waxayna waddanka dagaalladu gubeen ee Soomaaliya u ahayd bishii ugu dhimashada badnayd laga soo bilaabo Agoosto, 2009, sida ay sheegtay  warbixin Talaadadii ka soo baxday xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

“Ugu yaraan 258 shacab ah ayaa ku dhintay 253 kalena way ku dhaawacmeen, dagaaladii bishii la soo dhaafay ka dhacay koonfurta dalka.” Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlayey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNCHR.

“Ugu yaraan 29,000 oo dad ah ayaa ka cararay dagaalada ka socda gobolka Galgaduud; waxayna dadku ku sugan yihiin hoy la’aan mana haystaan gabbaad iyo biyo ku filan, midna,” ayuu afyaheenku yiri, wuxuuna ku daray “Kooxaha gargaarka degdegga ahi uma gurman karaan dadkaas sababtuna waa degaanka oo aad u khatar badan.”

“43,000 oo kale ayaa ka qaxay goobaha kale ee dagaaladu ka socdaan bishii la soo dhaafay,” ayuu yiri afhayeenku.

In ka badan 1.4 milyan oo dad ah ayaa ku barakacay dagaalada ka socda Soomaaliya, 560,000 oo kale oo Soomaali ahina waxay qaxooti ahaan ugu noolyihiin xeryaha ku yaalla wadamada deriska la ah Soomaaliya, sida ay sheegtay UNHCR.