Somalia
Buuhoodle oo degen iyo wadahadal u socda Odoyaasha iyo Ciidamada Ethopia.
Waxaa degenaansho laga dareemayaa magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn kadib markii shalay ay dagaalo ku dhex mareen shacabka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan dowlada Ethopia,waxaana jira waan waan ay odoyaasha deegaanka iyo ciidamada soo duulayu dhexaaya.
Magaalada Buuhoodle oo wararkii saaka ka imaanayay la sheegay in ay shacabku isaga carareen ayaa hada la sheegay in ay degen tahay oo ay dadku kusoo noqonayaan,waxaana ay Ethopianku yihiin kuwo wadahadalo doonaya in ay la galaan odoyaasha oo la xaiyo shaqaaqada dhacday.
Dagaalo maalinimadii shaly ka dhacay Buuhoodle ayaa inta la ogayahay waxaa ku dhintay 10 qof oo ka tirsan shacabka deegaanka iyo 4 Askari oo ka tirsan ciidamadii Ethopianka ee soo duulay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Somali land dileen Nin ka tirsan shacabka buuhoodle,iyadoona markii dambe ay dadka deegaaka iyaguna dileen Askari ka tirsan ciidamada Ethopian-ka.
Ciidamada Ethopia ayaa dhowaan xanibaad ku sameeyay gawaari laga leeyahay Buuhoodle oo kazoo gudbi lahaa dhinaca Ethopia,waxaana ay keentay in ay ka caroodaan qaar ka tirsan dadka gawaaridaasi lahaa xanibaada lagu sameeyay.


