Advertisement

Somalia

Ku xigeenka hogaanka Al qacida Jazeerada Carabta oo amaanay Al shabab.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
sarmaanyo

Al qacidad Yemen

Ku xigeenka hogaamiyaha Al qacida ee jasiirada carabta  ayaa sheegay in ay yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al shabab walaalahoda Mujaahidiinta ee Soomaaliya,kuwaas oo ay iska kaa shanayaan la dagaalanka cadowga ilaahay.

Siciid waxaa uu sheegay taageeradaas xili uu ka hadlayay in uu ka badbaaday duqaymo ay diyaaradaha dagaalka yemen u geysteen isaga oo ku sugan gobolka Shabwa ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Yemen ka geysteen gobolo ku yaala koonfurta Yemen ayaa horay waxaa ugu dhintay xubno ka tirsan hogaanka Al qacida ee wadanka Yemen,waxaana ay dowlada Cali Cabdalla Saalax  sheegtay in ay jiraan xubno sarsare oo ka tirsanaa hogaanka Al qacidada Yemen oo ku dhintay duqaymahaasi.

Hogaamiyuhu waxaa uu amaan u diray Xarakada Mujaahidiinta Al shabab ee ka dagaalanta Somaaliya,waxaana uu sheegay in ay kooxdaasi iska kaashanayaan gacan ku dhigida iyo dib usoo celinta dowladii Islaamiga ahayd ee Jasiirada Carabta.

Siciid Al shahri oo ahaa maxbuus horay u soo maray xabsiga Guantanama kana soo dagaalamay wadanka Afganistan ayaa waxaa uu ku adkaysanayaa sii wadida dagaalka jihaadka ee ka dhanka ah cadowga ilaahay,waxaana uu sheegay in ay dhamaystirayaan howshii qabyada ahayd ee uu ka tagay Cumra Faaruuq Cabdil Mutalib oo ahaa wiilkii Nijeeriyaanka ahaa ee isku dayay qarxinta diyaarada Delta Air lines ee ku wajahnayd magaalada Detroit ee gobolka Michigan ee wadanka maraykanka.

Kooxaha hoosyimaada ururweynaha Al qacida ee ka dagaalama wadanka Yemen,waxaa hanjabaadyo dhowr ah oo ay u jeediyaan ajaanibta ku sugan gudaha Yemen ay sababtay in ay wadankaasi isaga baxaan safaarado dhowr ah oo ay wadamada Maraykanka,Faransiiska,Britain iyo Japan ku lahaayeen ciisimada Yemen ee Sanca.